HomeCulimada Somaliland oo Go'aamo ka soo saaray Ka-hortagga Coronavirus iyo Saamaynta Masaajiddada

Culimada Somaliland oo Go’aamo ka soo saaray Ka-hortagga Coronavirus iyo Saamaynta Masaajiddada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta go’aamo soo saaray Qaybo ka mid ah Culimada dalka iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta ee Somaliland oo maalmihii u dambeeyey kulamo ay isugu yimaaddeen ku faaqiday tallaabooyinka habboon ee loo qaadi karo Ka-hortagga caabuqa Coronavirus iyo Aragtiyaha ay ku kordhin karaan Guddiga Heer Qaran ee Xakamaynta Cudurka Covid-19 oo si xawli ah ugu fidaya dunida.

blankGuddiga Heer Qaran ee Ka-hortagga Sadhada Coronavirus ayaa go’aamo ay soo saareen badhtamaha bishii hore ku shaaciyey tallaabooyin lagaga hortagayo samaynta cudurka Covid-19, waxaana qodobbada guddigu soo saartay oo muddo 4 todobaad ah loo muddeeyey ka mid ah joojinta goobaha Bulshadu ku kulanto oo ay ku jiraan dugsiyada waxbarashada oo la fasaxay iyo duullimaadyada diyaaradaha ka imanaya dalalka cudurku ka jiro oo gebi ahaanba la joojiyey, marka laga reebo diyaaradda Ethiopian Airlines oo aanay go’aamadaasi wax saamayn ah ku yeelan.

Waxa kale oo Go’aamada Guddiga amar lagu faray Imaamyada masaajiddada inay soo koobaan wakhtiyada Salaadaha Faralka ah. Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee Somaliland Sheekh Khaliif Cabdilaahi ayaa dhawaan sheegay inay iman doonto wakhti la xidhi doono Masaajiddada haddii Cudurku saamayn xooggan ku yeesho dalka.

Haddaba, Culimada dalka qaarkood oo maalmihii u dambeeyey kulamo dhexmareen wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, ayaa maanta soo saaray go’aamo ay ku xoojinayaan dedaallada xakamaynta Cudurka Covid-19 oo ilaa hadda in la ogyahay ama la xaqiijiyey gudaha Somaliland laga helay laba qof.

Culimadu waxa ay soo jeediyeen in gebi ahaanba la joojiyo Qaadka laga keeno dalka Ethiopia iyo tallaabooyinka kale ee la qaadi karo si loo xakameeyo cudurka, iyagoo in Masaajiddadu noqon doonaan goobaha u dambeeya go’aanka Guddigu ee ka-hortagga Cudurkani ay tahay inuu Saamaynta ku yeesho.

Warkan oo faahfaahsan iyo Go’aamada ay soo saareen Culimada dalka kaga bogo Muuqaalka Hoose

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories