HomeCulimada Qaadiriyada Oo Fariin U Diray Madaxweyne Siilaanyo Kana Digay Khilaaf Diimeed

Culimada Qaadiriyada Oo Fariin U Diray Madaxweyne Siilaanyo Kana Digay Khilaaf Diimeed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Qaybo kamid ah Dhalinyarada Culimada Sune-Wajameeca, ayaa kulan balaadhan oo ay ku qabteen Huteelka Shiraacle ee Magaalada Hargeysa baaqyo kala duwan ugu gudbiyay,Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa kuna taageeray kulankii ay Xukuumada la yeesheen Culimada waaweyni ay ku gudbiyeen tabashooyinka ay qabaan.

sune5 sune2Sune(2)

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen Qeybo kamid ah Culimada Sune-Wajameeca(Qaadiriya),iyadoo kulankoodani daba socdey kadib markii, ay dhawaan cabashooyin u gudbiyeen Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancade islamarkaana, kulan kula qaateen Xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland.

Ugu horayn waxa ka hadlay Sheekh Xasan Albasri oo ka hadlay ujeedada iyo ahmiyada uu xambaarsanaa kulankani

1-Baaqa Gaadhsiinta iyo ogaysiinta in shir guud ay qabsanayaan Culimada Sune-Wajeemaca ee (Alqaadiriya) 2 inay taageersanyihiin dhilinyarada Sune-Wajameeca Kulankii hore u dhex marey Culimada Waaweyn iyo Xukuumada. 3-iyo in ay sicad u ta akiidiyaan adkaynayaana shirkaas

Waxa kaloo kahadlay Kulankan Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta xiligii Xukuumadii Marxuum Cigaal Sheekh Axmed Muxumed (AAyatulaah) isagoo aad ugu dhaliilay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo  in ay aad uga dhega adeygto soo jeedimaha Culimada Sune-Wajameeca ee (Qaadiriya),  gaar ahaana waxu is dul taagay in aan loo dul qaadan doonin sida Arimaha Hogaaminta diinta loo wado oo uu ku dheeraaday hadii aan Madaxweynahu si deg deg ah wax uga qaban ay cawaaqib xumo Diimeed  ka dhalandoonto “Hadii Madaxweynuhu wax ka qaban waayo sida maanta loo hogaaminayo Diinta waxa ka dhalan doonta cawaaqib xumo diimeed, waa in Madaxweynuhu si degdeg ah wax uga qabtaa”Ayuu yidhi Sheekh Ayatulah.

Sheekh Khaalid Yuusuf Jaamac,oo isaguna halkaa ka hadley ayaa sheegay, in ay aad uga xunyihiin sida Madaxweynahu koox gaara ugu daba fadhiistay diinta Islaamka haday noqoto xaga fatwada iyo xaga manaahijtaba. Waxa kale oo ka hadley, kulankan,Khadar Hindi Bootaan,oo sheegay in ay cadaalad daro katirsanayaan Wasaarada Diinta iyo Awqaafta isagoo tusaale u soo qaatay in Wasaaradu diintu in tii ay dawladani jirtay ay qaadaty shaqaale ka kooban 60 qof oo dhanwalba ah waxaanu sheegay inaan lagaga darin Culimada Sune-Wajameeca taasina kamid tahay,tabashooyinka ay ka tabanayaan Xukuumada.

Maxamed Cabdilaahi Jaamac oo isna ka hadlay kulankan ayaa, si gaar ah farta ugu fiiqey Manhajka Diinta Islaamka ee loo dhigo caruurta yar yar in labedaly intii ay jirtay dowladan uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo isagoo sheegay, in hadii lasii wado ku Tacadiga iyo ku danaysiga Diinta Islaamka in aaney taasi fiicnaan doonin  isagoo Shacbiga  iyo dawladana ku dhiiri geliyey in lagu dhaqmo mabda,ii ay hore uhaysan jireen Bulshada Somaliland ee  shaaficiga ahaa.

 Waxa isaguna kulankan ka hadley Guuleed Maxamed Ismaaciil Bulaale oo kamid ah dhalinyarada Culimada Sune-Wajameeca islamarkaana,ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahey Kulankoodani isagoo baaq iyo fariimo u gudbiyay Golayaasha Qaranka, in la ilaaliyo arimaha xasaasiga ah ee dastuuriga ah kuwaaso ay Xukuumadihii ka horeeyey Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay ku dhici waayeen arimaha diiniga ah sida ay u adagyihiin in dhinac qudha iyo talo goon ah laga qaato. “Madaxweynuhu waxa uu dhawaan Magacaabay 11ki mufti ee loo daba fadhiisanlahaa diinta islaamka Somaliland waxaana laga qaatey Culimadaas dhinac kaliya, ma aha taasi mid lagu qanci karo, kumana jiraan culimada Sune wajameeca”Ayuu yidhi Guuleed Maxamed Ismaaciil Bulaale.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa  in Xisbiyada Mucaaradka ah Looga baahan yahay in ay arintan dhinacooda uga haowlgalaan waxna kala qabtaan islamarkaana, tusaan Xukuumadu dhaliisha ay ku leedahay in Culimada Sune-Wajameeca ee Somaliland muqadaska ka aheyd in kaalintooda ay ka muuqdaan Dalkan.

Ugu dambayntii waxuu guuleed Madaxweynaha Somaliland usoo jeediyey in Arimaha diinta ee sida u adkaa ee xasaasiga ah in aanu ku degdegin hadii uu isku dayona uu talo layeesho dhamaan firqooyinka Diinta ee dalka Somaliland.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories