HomeCulayska Uu Nolosha Bulshada Ku Hayo Sicir-bararka Shidaalka iyo Doodda Xukuumadda Somaliland

Culayska Uu Nolosha Bulshada Ku Hayo Sicir-bararka Shidaalka iyo Doodda Xukuumadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Sicir-bararka dhinacyada Maceeshadda iyo shidaalka ah ee dalka ka jira.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Muuse Ibraahim Salaf oo shalay hor-tagay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in Sicir-bararka dalka ka jiraa uu yahay mid ka yimid dalka dibeddiisa isla-markaana salka ku haya xaaladda guud ee dalalka Caalamka.

“Sidaad ogtihiin, Sicir-bararku waa mid dibedda ka yimid, hadduu inagaga yimidna Dawladdu way qabatay tallaabooyinkii lagu joojin lahaa. Waxa ugu daran Quutal-daruuriga iyo shidaalka, labadana waxaad markhaati ka tihiin in Dawladdu hoos uga dhigtay Cashuurta, waxayna ka dhintay boqolkiiba toban,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Ganacsigu, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in Somaliland ka mid tahay dalalka xilligan ugu shidaal jaban Mandaqadda.

Wasiirku wuxuu sheegay in si Xukuumaddu ula dagaalanto Sicir-bararka shidaalka, ay qaadday Tallaabooyin ay ka mid yihiin inaan dalka la keenin shidaal tayadiisu ka badan tahay 500 PPM oo ah cabbirka lagu qiyaaso tayada shidaalka, sidoo kalena boqolkiiba 10 laga dhimay cashuurtii laga qaadi jiray.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga, ayaa ku soo beegmaya xilli qiimaha shidaalku uu aad sare uga kacay Somaliland, taasi oo keentay In gaadiidka Basaska ee Magaalooyinka Hargeysa ka mid tahay iskaga dhex gooshaa ay Qofka ku qaadaan 3000 kun Shilin, halkii ay hore ugu qaadi jireen 2,000 SL/Shilings, sidaa darteed waxa muuqata inaan tallaabooyinka Xukuumaddu qaadday aanay waxba ka tarin Xaaladda jirta.

Magaalooyinka Somaliland, ayaa 1-ka Litir ee Patrol-ka waxa lagu iibiyaa 11 kun shilin, halka litirka Naaftada ahina yahay 10 kun iyo 500 boqol shilin, halka laba bilood uu Halka Litir ahaa inta u dhaxaysa toddoba illaa Siddeed kun.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories