HomeCukuse Oo Safiirada Somaliland Ugu Baaqay Inay Ku Daydaan Safiirka Imaaraadka Baashe...

Cukuse Oo Safiirada Somaliland Ugu Baaqay Inay Ku Daydaan Safiirka Imaaraadka Baashe Cawl

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost) Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir(Cukuse), oo ka mid ahaa wefti madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayay oo degmada Laasgeel ka dhagax dhigay biyo xidheen ayaa sheegay in dhaamkaasi muhiim u yahay degaanka iyo magaalada Hargeysa oo la filayo inay keyd biyood ka hesho. Waxa kale oo uu ammaan u jeediyay safiirka Somaliland ee dalka Imaaraadka. Mashruucan waxaa hirgaliyay dalka Imaaraadka Carabta.

“Waxaanu u nimid degmada Laasgeel mashruuc weyn oo dadku intifaacsan doonaan. Mashruucaas oo wax weyn ka tari doona degaankan laga samaynayo iyo inta la dariska ahba. Biyo xidheenkani waa mid weyn oo anfacaya ilaa Hargeysa, waxaanu ka mid yahay mashaariicdii dawladda Imaaraadku madaxweynaha u balan qaaday socdaalkii u dambeeyay ee uu ku tagay dalkaasi,” ayuu yidhi wasiir Cukuse, waxaanu intaasi raaciyay “ Dhaamkani wuxuu ka mid yahay dhawrka dhaam ee ugu qaalisan, dhaamka kalena waxaa laga samayn doonaa Laascaanood oo la doonayo inay biyo macaan hesho ayaa dhaamkan mid la mid ah oo la qiimo ah laga samayn doonaa. Waxa kale oo la isku dayayaa oo dhaam kale loo hayaa halka dooxyada oo dhammi ku af go’aan ee Waaheen la yidhaahdo, in iyadana biyo xidheen laga sameeyo. Himiladii ahayd in baahida koobaad ee dalku qabaa biyaha tahay ayuu ka mid yahay mashruucani, madaxweynuhuna wuu ku guulaystay,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale ammaanay safiirka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil Cumar oo muddo kooban xilkaasi hayay “Waxaan halkan ka ammaanayaa oo ammaan dheeraad ah aan ammaanayaa, safiirka safiirrada ugu da’da yar ee dhawaan la magacaabay Baashe Cawil, oo durba ku guulaystay inuu halkan keeno tobaneeyo wefti oo qaarkoodna yihiin kuwa dhaamkan inoo samayn doona. Safiirrada kale waxaan ku dhiiri galinayaa inay ku daydaan, intii xaman jirtayna maanta ha ka hadho,” ayuu yidhi wasiir Cukuse.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories