HomeCudurka Halista ah ee Jadeecada oo lagu arkey Gobollo ka mid ah...

Cudurka Halista ah ee Jadeecada oo lagu arkey Gobollo ka mid ah Somaliland iyo Baaqa Wasiirka Caafimaadka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa, 02 April, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed “Xuseen Xoog”  ayaa Maanta daboolka ka qaaday  in qaar ka mid ah gobolada dalka lagu arkay Cururka halista ah ee Jadeecada laguna arkay Carruur uu cudurkani asiibay ka dib markii ee dalka laga fuliyay hawl galka Talaalka Hooyada iyo Dhalaanka isla markaana waxa uu caddeeyay in baahi loo qabo sidii dib loogu eegi lahaa qiimaynta maalmaha caafimaadka hooyada iyo dhalaanka .

Wasiirka ayaa sidan ku sheegay kulan lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa kaas oo ay ka soo qayb-galeen hawl-wadeennada caafimaadka ee lixda gobol ee waaweyn, Mas’uuliyiin ka socday hay’adaha UNICEF iyo WHO iyo Madax kale.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed “Xuseen Xoog” oo madashii kulankaasi hadal ka jeediyay  ayaa tilmaamay in deegaamo ka tirsan gobolada Somaliland uu dib uga soo cusboonaaday Caruurta uu ku dhaco cudurka Jadeecada kaas oo ay ugu wacan tahay ayuu yidhi Wasiirku in hawl -wadeenada ololaha talaalka fuliyaa aanay sidii la rabay uga soo bixin waxa uu Wasiirka Caafimaadku ku dooday oo kale in Waalidiin badani ay fikir khaldan ka qaateen cidhib tirka Cudurada dilaaga ah taasina ay keentay inay Ubadkooda kala baaqsadaan Talaalka isla markaana ay horseed u noqotay in Kiisaska Jadeecada lagu arko deegaamo ka tirsan Somaliland.

Dr Xuseen Muxumed Maxamed “Xuseen Xoog” waxaa kale oo hadalkiisa ku sheegay in loo baahan yahay sidii qiimayn rasmi ah loogu samayn lahaa qaabka ay hawl wadeenada talaalku u fuliyaan qorshayaasha loo xilsaaro si loo helo ayuu yidhi xog dhamystiran oo laga duulo.

waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Mas’uuliyiin ka socday Hay’adaha ay Wada shaqayntu ka dhaxayso Wasaarada Caafimaadka ee Kulankaas ka qayb galay oo Tilmaamay in xooga la saaro sidii Caruurta lagu arkay Cudurka Jadeecada  deegaamada ay ku nool yihiin loogu xakamayn lahaa .

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories