HomeCudurka Ebola oo ka dhex-toosay Dalka Maraykanka iyo Xaaladda Qofkii u horeeyey...

Cudurka Ebola oo ka dhex-toosay Dalka Maraykanka iyo Xaaladda Qofkii u horeeyey ee lagu arko caafimaadkiisa lala tacaalayo

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Texas (SLpost)- Cudurka dilaaga ah ee Ebola oo dad badani ugu dhinteen galbeedka qaaradda Afrika ayaa astaamihiisa lagu arkay dalka Maraykanka, sida ay xaqiiyeen masuuliyiinta caafimaadka ee gobolka Texas ee Maraykanka.

Baadhitaan lagu sameeyey Qof aan la shaacin waddanka uu u dhashay balse la sheegay inuu laba todobaad ka hor ka tagay waddanka Liberia oo ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika ee uu faraha baas ku hayo cudurkan, ayaa laga helay astaamo loo aqoonsaday cudurka Ebola, kaas oo wakhtigan lagu hayo xarun lagu karantiimeeyey si aanu cudurku u fidin.

EBOLA_USSida uu sheegay sarkaal ka tirsan hay’adaha Caafimaadka gobolka Texas ee Maraykanka, ninka laga helay astaamaha cudurka ayaa ka tagay waddanka Liberia 19-kii bishii hore si u booqday qaraabadiisa oo ku nool waddanka Maraykanka iyada oo baadhitaan lagu sameeyye wakhtigaas aan laga helin astaamaha cudurkan, arrintaas oo shaki iyo walaac ku abuurtay dalkaasi, iyada oo laga cabsi qabo in cudurku ka jiro gudaha dalka Maraykanka.

Astaamaha Cudurka ninkan laga helay, ayaa la sheegay inay soo baxeen 24-kii bishiihore shan maalmood ka dib safarka uu Maraykanka ku tagay, haseyeeshee 28-kii bishii hore ayaa la dhigay cusbitaalka ku yaala gobolka Texas oo qoyskiisu deggen yahay.

EBOLA_MARAYKANCudurka Ebola oo aanu qofku u gudbin karin bulshada inteeda kale ilaa ay astaamihiisu ka soo baxayaan qofka, waxa la isugu gudbiyaa iyada oo qofka cudurkan qaba oo dheecaanka jidhkiisu gaadho qof kale.

Waddamada Galbeedka Afrika badankooda ayuu cudurkani si ba’an u saameeyey, waxaana u dhintay in ka badna 3,000 oo qof, halka tiro intaas ka badan la shaaciyey inay qabaan cudur-sidaha Ebola, kuwaas oo ay ku jiraan shaqaale u shaqaynayey hay’ado Maryakan ah oo ka hawl-galayey waddamada Afrikada Galbeed ee cudurku ka dillaacay, kuwaas oo markii dambe laga dabiibay cudurkan, ka dib markii loo qaaday waddankooda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories