HomeCudurka Covid-19 oo ku Laba-kacleeyey Somaliya iyo Cabsi laga qabo nooc Cusub...

Cudurka Covid-19 oo ku Laba-kacleeyey Somaliya iyo Cabsi laga qabo nooc Cusub oo CoronaVirus ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho (SLpost)- Masuuliyiinta Arrimaha Caafimaadka ee Soomaaliya, ayaa sheegay inay dalkaasi ku dhufatay mowjad labaad oo Caabuqa Coronavirus ah, kaas oo loo sababeeyey Safarrada dadka dibadda ka imanaya iyo Goobaha bulshadu isugu timaaddo oo aad u koradhay xilligan diyaar-garowga loogu jiro doorashooyinka dalkaas.

Wasiirka Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya Dr. Fawziya Abiikar ayaa sheegtay in kiisaska caabuqa Coronavirus ay kordheen 52% bishan Febuary marka loo eego bishii hore ee January. Waxay dadka ku boorrisay inay Sanka xidhaan iskana ilaaliyaan meelaha laysugu yimaaddo.

blankDr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, Agaasimaha Cisbitaalka Martini ee Muqdisho oo ah xarunta ugu weyn ee lagu daweeyo bukaanada cudurka Covid-19, ayaa laanta Afka Soomaaliga ee VOA u sheegay inay labadii todobaad ee u dambeeyey kor u kaceen dadka xannuunku soo rito ee cusbitaalka la soo dhigo iyo baadhitaannada lagu ogaanayo xannuunka.

Tiro ku dhow 120 Qof ayaa sannadkii 2020 dalka Soomaaliya ugu dhintay xannuunka Covid-19 halka in ka badan 30 qof oo kale ku geeriyoodeen sannadkan 2021, sida uu sheegay agaasimaha Cusbitaalka Martini.

Waxa uu Agaasimuhu sheegay inay suurta-gal tahay in Soomaaliya uu soo gaadhay nooc kale oo Caabuqa Coronavirus ee laga helay dalalka Ingiriiska iyo Koonfur Afrika, isagoo intaas ku daray in xannuunka laga helay dad ka soo socdaallay Ingiriiska iyo Koonfur Afrika oo xillilgan ku jira cisbitaalka Martini.

Sidoo kale, waxa xaaladda xannuunka covid-19 ee Soomaaliya ka dayriyey hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya caafimaadka.

“Natiijada baadhisaha aanu wadnaa waxay sheegayaa in inta badan kiisaska covid-19 yihiin qaar dibadda ka yimi waxaana fiditaankiisa kor u qaaday isu-imaatinka dadka ee goobaha lagu kulmo iyadoon loo hoggaansamin tilmaamaha caafimaadka,” sidaas waxa VOA u sheegay wakiilka hay’adda Caafimaadka Adduunka u jooga Soomaaliya Dr. Mamunur Rahman Malik.

“Way adag tahay in la xaqiijiyo, laakiin xilliga doorashada awgeed, waxa jira dad badan oo dibadda ka imanaya, gaar ahaan kuwa ka socda waddamada hadda Karantiinka ku jira,” sidaas waxa yidhi Dr Mamnur Malik.

Ilaa inta la ogyahay ee la xaqiijiyey, tirada kiisaska Coronavirus ee laga diiwaangeliyey Soomaaliya ayaa 5,183 qof iyo 152 dhimasho,

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories