HomeCudurka Covid-19 oo faro-baas ku haya Bulshada Somaliland iyo Digniino Khatartiisa laga...

Cudurka Covid-19 oo faro-baas ku haya Bulshada Somaliland iyo Digniino Khatartiisa laga soo saaray oo aan loo hoggaansamin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maalmihii u dambeeyay waxa Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa soo badanaya Dadka u Geeriyoonaya Neef-qabatinka.

Dabagal iyo Xidhiidho uu Wargeyska Geeska Afrika sameeyay, ayuu ku ogaaday in Dad badan oo Toddobaadkii u dambeeyay ku dhintay Xaafadaha Magaalada Hargeysa ay intooda badan u Geeriyoodeen Naqaska oo ku dhegay ama Neef qabatin, arrintaasi oo sii xoojinaysa jiritaanka khatarta Xanuunka Covid_19 oo la sheegay Mowjaddiisii saddexaad ku dhufatay Somaliland.

blankJimcihii Shalay, Xabaalaha kala duwan ee kooneyaasha Magaalada Hargeysa waxa lagu aasay Dad badan, si gaar ah Xabaalaha Baqiic ee Waqooyiga Hargeysa, waxa lagu aasay Dad gaadhaya 10 qof oo isugu jira Rag iyo dumar, kuwaasi oo ehelkoodu sheegeen inay u Geeriyoodeen si kedis ah ama mawtal-qafle, laakiin arrimahan oo dhan ayaa muujinaya khatarta jirtaa inta ay leeg tahay.

Toddobaadkii hore, Xukuumadda Somaliland ayaa Dadweynaha ku waanisay inay ku dabaqaan Talooyinka Bahda Caafimaadka, si looga fogaado khatarta Xanuunka Covid_19.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Al-baani oo ka mid ah Guddiga Qaran ee ka hor-tagga xanuunka Covid_19, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxa innagu soo laba kacleeyay Xanuunka Covid_19, si xooggana wuu u faafayaa sida Bahda Caafimaadku caddaysay, gaar ahaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, xanuunnaduna waxay ka mid yihiin waxyaabaha uu Ilaahay SW uu Ummadaha ku sallido, isagaana keena, isagaana qaadi kara Ilaahay, Caqiiqadeedana waxa mid ah in wixii Ilaahay keeno aynu marka koowaad ku samirno, waxayna shareecadu inoo ogolaatay in Xanuunnada la iska daweeyo oo weliba Xanuunnada Faafa la is karantiimeeyo sida Nebiguba CSW uu sheegay.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Markaa guud ahaan Shacabka Somaliland waxa looga baahan yahay inay qaataan oo ay aqbalaan Talooyinka Bahda Caafimaadka iyo Guddiga Qaranka ugu xil-saaran Covid_19-ka, oo dhammaan meelaha la iskugu yimaaddo, sida Maqaaxiyaha, Madaariista, Malcaamadaha iyo Masaajiddada in la soo celiyo nidaamkii kala fogaanshaha, in Macalimiinta iyo Imaanyadu ay siiyaan Talo-bixin Dadka ay xilkooda hayaan oo ay ku guubaabiyaan inay soo xidhaan Af-saabka, faraha maydhaan, kala durkaan, Goobaha Cibaadada ha noqoto, Suuqa ha noqoto iyo meel kasta oo la iskugu yimaaddo, in la isdaweeyaana waa shay Sunne ah ayay Cuimadu yidhaahdeen”

Hase-yeeshee, Dadka ayaan weli dheg-jalaq u siinaynin baaqyada bahda Caafimaadka, Culimada iyo Dawladda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories