HomeCOODANLE: Shan Qof Oo Xanuunka Shubanka U Geeriyooday Iyo Xog-warranka Maamulka

COODANLE: Shan Qof Oo Xanuunka Shubanka U Geeriyooday Iyo Xog-warranka Maamulka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Inta la ogyahay Shan Qof-baa Xanuunnada Shubanka Iyo Oog-wareenka oo is-barkan ugu Geeriyooday Tuulada Coodanle ee Gobolka Buuhoodle ee Somaliland.

warka-2-aad

Tuulada Coodanle oo ka mid ah Gobolka Buuhoodle, ayaa waxa Dawladdu iskugu soo ururisay Qoysaskii ku caydhoobay Abaarta Adag ee ka jirta Gobollada bariga Somaliland, laakiin waxa halkaasi ka Dillaacay Xanuunka Shubanka oo uu Weheliyo Xanuunka loo yaqaanno Oog-wareenka, kaasi oo soo ritay Dad badan oo ka mid ah Qoysaska halkaa ku dhaqan, kuwaasi oo Shan ka mid ahi Doraad illaa Shalay ugu Geeriyoodeen halkaasi, sida uu sheegay Guddoomiyaha Tuuladaasi Xinne Maxamed Saalax.

Guddoomiyaha Tuulada Coodanle oo Idaacadda Internet-ka laga dhegaysto ee Radio Koor u warramay , ayaa isagoo faahfaahinaya Tirada Dadka Xanuunnadan ugu Geeriyooday Deegaanka uu Guddoomiyaha ka yahay wuxuu yidhi, “Meesha waxa ka dillaacay Shuban, waxa u raacay wax la yidhaahdo Oof oo Hargabka oo kale ah, Laba way dhinteen oo waanu aasnay, Saddexna Gobolka ayaa loola Cararray oo Ambilaas baa qaaday, laakiin Saddexdii lala Cararray mid baa dhexda ku sii dhintay (Shalay), labadii kalena Cisbitaalka Gobolka ayaa la geeyay.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyey inay jiraan Dad kale oo Xanuunkan ugu Geeriyooday halkaasi, ayaa sheegay, “Intaanu ognahay dhimashadu illaa shan bay gaadhaysaa, waana Carruur dhowr iyo toban jirro ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Dad badan baa u jiifa Xanuunkan, laakiin kooxaha Caafimaadka oo meesha yimaaddaa waxay Dadka bukaan-jiifka ah siiyaan Daawooyin, sida  Faleebooyin iyo Dawooyinka Shubanka (Fuuq-celinta).”

Guddoomiye Xinne, wuxuu ka digay in xanuunkani ku sii fidi karo deegaannada kale ee Dalka haddaan si deg-deg ah looga hor-tagin, waxaanu yidhi, “Xanuunkan haddaan laga hor-tagin wuu sii faafayaa, Waayo? Dabeyshaa beddelan, oo waxa dhashay Duqsiga gooryaanka oo meel walba (Duulaya)…Adhiga marka habeenkii la xereeyo Subaxdii Shan bakhtiya ayaa loogu tagayaa, Geela marka Ceelka la geeyo Badh baa lagaga dul-tagayaa Ceelka.”

Xanuunkan Dadku ugu dhinteen deegaanka Coodanle, ayaanay weli ka hadal Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, wallow ay deegaankaa ka joogaan kooxo Caafimaad.

 

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories