HomeCongress-ka Maraykanka oo la hor geeyay Mooshin ku saabsan Aqoonsiga Somaliland

Congress-ka Maraykanka oo la hor geeyay Mooshin ku saabsan Aqoonsiga Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Aqalka Congress-ka ee Maraykanka, ayaa la horgeeyey hindise-sharciyeed ku baaqay in dowladda Maraykanku si rasmi ah u aqoonsato Somaliland.

blankHindisahan oo ay soo gudbiyeen Guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada ee Maraykanka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddigaas oo lagu magaaabo Scott Perry kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa ugu baaqaya dowladda Maraykanka inay Aqoonsi-buuxda siiso Somaliland.

Sida aan ka soo xiganay mareegta Aqalka Congress-ka Maraykanka, Guddi hoosaadka dibadda ee aqalka Hoose ee Baarlamaanka Maraykanka, ayaa 18-kii bishan soo gudbiyey hindise-sharciyeedkan oo summaddiisu tahay H.R.7170, kaas oo la filayo in la hor geeyo kal-fadhiga Aqalka Congress-ka Maraykanka.

Congress-ka Maraykanka ayaa ka kooban Aqalka Sare ee Odayaasha (Senate) iyo Aqalka Hoose ee Wakiillada (Representatives), kalfadhi ay wada-jir u yeeshaan ku meel-mariya shuruucda dalkaas.

Tallaabadan, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo toddobaadkan ay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha (Senate) Maraykanku soo saareen sharci jidaynaya wada-shaqaynta iyo Iskaashi laba geesood ah oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka.

Guddiga Xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha Maraykanka, ayaa 17-kii bishan soo saaray Xeerkan oo ka hadlaya qaabka uu noqonayo Xidhiidh iskaashi oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka, waxaana la filayaa in xeerkan lagaga doodo kalfadhiga soo socda ee Congress-ka.

Xeerkan waxa diyaariyey isla markaana soo gudbiyey Xildhibaan Jim Risch oo ah Xubin sare oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha (Senate), Xildhibaan Chris Van Hollen iyo Xildhibaan Mike Round ay kala ah Guddoomiyaha iyo Xubin sare oo ka tirsan guddi-hoosaadka Siyaasadda Afrika iyo arrimaha Caafimaadka dunida.

Xeerka Iskaashiga Somaliland ayaa ku waajibinaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay Warbixin ka siiso Congress-ka Maraykanka sida uu noqonayo La-macaamilka Somaliland iyo sidii Daraasad looga samayn lahaa hirgelinta iskaashi dhex mara Maraykanka iyo Somaliland.

Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka iyo Hindisaha Sharci ee Aqoonsiga Somaliland ayaa labaduba horyaallaan Congress-ka iyadoo la filayo in lagaga doodo fadhiga labada Aqal Baarlamaan ee Dalkaas oo haddii ay labadooduba ansixiyaan loo gudbinayo madaxweynaha Maraykanka oo qalinka ku duugi doona si ay labaduba u dhaqan-galaan.

Guulahan ay Somaliland ka gaadhay siyaasadda Arrimaha Dibadda, ayaa ku yimid safar shaqo oo Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku joogaan Magaalada Washingto DC, kuwaasi oo halkaa kula kulmay Guddiyada arrimaha dibedda ee Aqalka Senate-ka iyo Aqalka Wakiillada iyo sidoo kale Guddiga Amniga Qaranka Maraykanka.

Weftiga Somaliland oo weli ku sugan Magaalada Washington, ayaa sidoo kale la kulmay Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories