HomeColaadi Calf u daranaa!!

Colaadi Calf u daranaa!!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Markii ay haasawihii gabagabeeyeen ayay ku ballameen inay guga sugaan oo ay xilligaa gurigooda yagleelaan. Way isku faraxsan yihiin oo waxa ay dhawrayaanba waa ballanta.

Nasiib xumo intii aanu robku di’in ayaa colaad xuni ka dhex aloosantay labadii beelood ee wiilka iyo gabadhu ka soo kala jeedeen. Waxa ka qarxay degaankay dagganaayeen dagaal qadhaadh oo sababay dhimasho iyo dhaawacba. Dadka dagaalkaa lagu dilay waxa ku jira Asli walaalkeed oo ahaa curadkii reerka.

Colaaddu way ka sii dartay reerihiina waa is necbaysteen oo godob iyo dhiig bey kala galeen.

Markii lagu guul darraystay heshiis in laga dhex dhaliyo beelaha ayaa dan la mooday in la kala raro oo la kala fogeeyo si aan dhibaato kale u dhicin.

Aadan Wacays reerkoodi ayuu raray oo uu la guuray isaga oo arami jacayl la tukubaaya. Wuu tallamayaa oo kolna reerahooda waxa soo kala gaadhay ayuu la fikirayaa kolna wuxuu eegayaa ballantii isaga iyo Asli ka dhaxaysay. Si kasta oo ay ahaataba la kala guur oo qoloba gees u hayaantay. Wax la kala maqnaadaba waxa ay maalmo yari ka hadheen dharaartii ballantu ahayd, roobkii gugu uu curtay deegaanka barwaaqo ayuu rabbi ku maasheeyay, Aadanna ma hilmaamin Asli iyo wacadkay dhigteene waaka u soo kicitimay dhankay ka xigtay Asli.

Waa nin iyo ragganimadiisa waxa uu ku jeeda oo uu waliba gabadhooda la soo tagi rabaa beel ay raggoodii laayeen oo xiniinyoole yaal boqolle ahi ku kala maqan yihiin.

Aadan Wacays waxa haysta laba nabar, mar naftiisa ayuu u baqayaa oo uu leeyahay “taloow maad nabad gali, marna waxa uu ka war-war qabaa Asli oo taloow maad arki iyado nabbada, oo haddaad aragto taloow may ku yeelidoonta oo ballantiinnii may tix galin mise dagaalladii ayaa saamayn ku yeeshay oo way ku diidi doontaa.”

Wadnihiisa waran baa ku taagan aannu ka bogsanayn ilaa uu indhaha saaro Asli.

Asli iyaduna nabarka way la qabtaa, may guursan oo axdigiibay xasuusantahay, haddana way walaacsan tahay oo waxay is leedahay ma Adan baa inta uu soo dhexmaro tolkaa ku soo doonan, hadduu ku soo doonto miyaad raaci sawta dagaal xumi idinka dhexeeyo beelahooda.

Waa galabnimo cadceeddu gaabantahay, Asli waxa ay doontay Awrtii reerka oo kambalka ku seetaysan. Waxa ay sidataa ul dheer oo ay awrta kusoo duubayso. Waxa ay soo gaadhay Kayn jiq ah oo ay awrta ku ogayd saaka. Haddii ay kayntii timi in yar markay dhex joogtay ayuun bay si lama filaana isha ugu dhufatay Wiil go shaala, Macawiis iyo bakoorad wata. Waata eegtay iyada oo hoos iskula hadlaysa waata tidhi “waaxay taloow ninkan shaanbinaya ee Adan u soo egi, weger Adan han waynaa maxaa halkan keenaaya”……

Qalibtii 2-aad

Wax ay kolba dhan ka eegto, oo ay u fiirsataba markii uu Aadan ku soo dhawaaday ayay gartay. Aadanna mar alla markii uu gartay in ay Asli tahay ayaa inta ay neefi ka soo boodday uu ku yidhi “Asli walaal Alle ma iskeen tusay innaga oo nabada”. Asli wadnaha ayaa mar qudha gariiray, waxa ay ku faraxday aragtida Adan oo ay u qaadan wayday la yaabna ku ah, marna waxay la fikirsantahay siday u magan galin lahayd ilayn waxa uu soo galay baro cadaw iyo dagaal ka dhexeeyee.

“Aadan miyaad noolayd, oo maxaad naftaada u soo biimaysay ee aad halista u soo gashay, miyaad ilawday dabkii diritu in uu wali shidan yahay”.

“Asli anigu ma ilaabin ballaantii iyo in aan guri wada dhisanno, habeen

walba dayaxa ayaan tirin jiray, colaad kasta oo dhacdaana aniga igama kaa hor istaagayso, imika iyo haatanna waxa aan rabaa in aan is raacno ee diyaar ma tahay?”

Asli waxooga aya’y dhabanka iyo gacanta isku yara haysay iyada oo ka fikiraysa xaaladda taagaan. Kadib, waxa ay ugu jawaabtay “waa si wanaagsan ee caawa goorta cagta iyo jabaqdu go’do ha innoo ahaato, buulkaa yar ee xerada adhiga dhanka hawd kagabeeggan ayaan seexdaa.”

Adan uu farxay oo Alle ayuu u xamdinaqay kol hadday Asli ka ogolaatay in ay caawa raacdo.

Asli awrtii ayay soo carraabisay, durbadiibana waxa ay bilawday in ay reerka kala cashaysiiso, maryo nadiifa oo ay ku raacdo Adannadiyaarsato iyada oo aan la’ogaan. Kolkii lawada casheeyay, adhiyihiina lalisay ayaa sidii awalba caadada ahayd dhalin yaro ka kooban hablo iiyo wiilalb ay u soo caways tageen Asli oo ay buulkeeda iskugu iman jireen.

Asli caawa sheeko iyo kaftan toona ma rabto, wadnaheedu hawdu hayaa, oo waxa ay ka wer wer qabtaa sida uu arrinku ku dhammaan. Imtixaanba waakan danbeeyee, haddii in yar la joogay oo ay hadda uun sheekadu isku duba dhacday ayuu Roob wayn oo mahiigaani is qabsaday, mar alla markii uu is wada qabsaday ee uu gilgilay gayigii oo dhan, ayaa Asli oo awalba waran ku taagnaa sii kurbatay oo durbaan la ga dhextumay laabteedi.

Adan, tala ku cadddaatay, roobbaa d’aaya, dhaxanbaa haysa, gaajaa u wehelisa, aano iyo cabsibaa haysa, jacaylbaa dhan kale dab kaga shidaaya, roobna waakan oo asqee gabigiisiiba. Roobkii ayaa sii waynaaday, isna u adkaysan kari waa. Waa in uu wax uun helaa uu roobka isku dhaafsho. Waxooga markii uu maskaxdiisa rogrogaayay ayuu isa soo qaaday oo uu yimi buulkii ay Asli u tilmaantay, dabadeedna inta uu codkii dadka dhagaysaytay ayuu sahamiyay halka codka Asli ka baxaayo.

Markii uu ogaaday, ayuu bakoorad uu sitay ku gujiyay, halkii ay Asli fadhiday, durbadiiba way dareentay in lala joogo oo uu Adan yimi.

Lasococ salaasada Danbe.

Nada Yuusuf Cumar

Qoys Kaab

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories