HomeColaadi Calaf u daranaa!!

Colaadi Calaf u daranaa!!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Asli hadda iyada ayay arrini dul taagantahay, si kasta oo a y ula fadhido, saaxibadaheed iyo barbaartii ay isla sheekaysanaayeen, haddana waxa ka go’an in ay Adan bad baadiso si aanay u arag wiilasha beeshooda ee haddaba qaar kamidi iyada la fadhiyaan.

Sidii sheekadu u socotay ee loo qoslaaay ayuunbay si kadis ah, dhalintii u soo jeedisay, waxa ay la wareegtay hoggaankii sheekada, hadalkii ayay qadatay waxayna tidhi

“Dhalinyahay i dhagaysta, bari baa wil iyo gabadhi haasaaween, kadibna waxay ku ballameen, in ay gu’ga is la tagaan oo gurigooda yagleelaan, iyada oo aan wali gu’gii curan ayaa sidii innaga iyo reer Galool dagaal ka dhex dhacay labadii beelood ee wiilka iyo gabadha.

Waa lakala hayaamay oo qoloba gees abay carartay sideenii oo kale. Markii roobkii guyaal da’ay ayaa wiilkii gabadhii soo raadiyay si uu ula tago, goor galaba ayay wiilkii iyo gabadhii is arkeen, kadibna waxa ay ku hesiiyeen in ay is raacaan caawa, sideenan oo kale ayaa roob u soo daatay markii ay ku tala galeen in ay baxaan, wiilkii ayaa buulkii gabadha soo is taagay iyada oo la joogta ilmaadeeradeed, bal maxaydun samayn lahaydeen, haddii taasoo kale idin qabsato, ama aad gabadhaa kula talin lahaydeen?”

Dhalin yaradii Asli la fadhiday ayaa mid waliba gees u qaaday oo uu si uga jawabay, mid yidhaa waan dili lahaa wiilkaas, mid tidhaa maba raaceen iyo mid tidhaa dee waan raaci lahaaba. Kolkii ay aragtay Asli in aanay fahmin ayay jawaabtay oo tidhi ” Anigu haddii aan ahaan lahaa, gabadhaas, waxa aan odhan lahaa wiilka aannu ballan sannahay, waar haddii ay gaajo ku hayso caanaha dhitada adhiga saaran labax oo dhan, haddii aad gabadh doon tahayna geedkii aynnu ku ballanay ayaan kuugu imane tag, haddii ay hadi ku haysana halkaad taagan tahay joog hallagu dilee.”

Dhammaan dhalinyaradu may fahmin sheekada duur xulka ah ee ay Asli waddo, waxa se fahmay Aadan, inta uu caanihii cabbay ayuu deg deg u tagay geedkii oo u ku sugay Asli, waxa uu la yaabay maskax furnaanteeda iyo sida ay sheekadan u keentay markaasuu aad u sii jeclaaday.

Markii ay dhalintii ka dareereen ayay Asli qunyar baxday tii oo aan laba ogaan, waxa ay u tagtay Aadan, mar Alla markii uu arkay ayuu farxad dhoolla caddeeyay oo uu qalbiga ka riyaaqay. Sidaa markay ula soo istaagtay ee la is bariidiyay ayaa dhabbaha cagta la saaray oo la is raacay iyaga oo isku faraxsan, sidaasaanay ku guulaysteen Adan iyo Asli oo gurigoodu ku dhismay.

Dhammaad

Nada Yuusuf Cumar

Qoys Kaab

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories