HomeClinton Oo Blair Uga Sheekeeyey Dareenkiisa Askartii Maraykan Ee Maydkooda La Jiiday...

Clinton Oo Blair Uga Sheekeeyey Dareenkiisa Askartii Maraykan Ee Maydkooda La Jiiday Muqdisho

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

London (SLpost)- Xafiiska madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton ayaa faafiyey qoraallo laga sameeyey kulamo iyo xidhiidho talefanka ah oo dhexmaray Bill Clinton iyo raysawasaarihii xilligaas ee Ingiriiska Tony Blair. Talefishanka CNN ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in qoraallada la faafiyey ay dhan yihiin 532 bog oo lagu ururiyey sheekooyin marar kala duwan labadan hoggaamiye dhex maray toos iyo talefanka labadaba, gaar ahaan kuwo ay kaga wada sheekaysteen dhibaatooyinkii iyo dhacdooyinkii siyaasiga ahaa ee jiray xilligii ay talada dalalkooda gacanta ku hayeen, waxa aanay qoraalladani marag u yihiin xidhiidhka xooggan ee labadan nin ka dhexeeyey. Qoraalladan oo sababta loo baahiyey ay ahayd dalab ka yimid Idaacadda BBC oo dowladdeeda cadaadis ku sartay in qoraalladaas la sii daayo iyada oo lagu dhaqmayo xeerka iyo mabda’a xorriyadda xog helidda ayaa uu Geeska Afrika soo akhriyey warbixinno kala duwan oo qaar ka mid ah warbaahinta dunidu ka sameeyeen

Geeska Afrika waxa uu ogaaday warwarka xad dhaafka ahaa iyo culayska nafsiga ah ee ay Madaxweyne Saddaam Xuseen iyo sidoo kale ciidamadii Maraykanka ee Soomaaliya joogay xilligaasi ku hayeen Bill Clinton, oo Tony Blair talefanka uga sheegay in uu aad uga baqanayo in ciidamo Maraykan ah oo dambe uu dagaal u diro. Isaga oo xasuusiyey in farogelintiisii Soomaaliya ee xilli-xileedkiisii hore ay ku beertay baqdin iyo niyad xumo, siyaasad ahaanna ay dhaawac weyn soo gaadhsiisay, kadib markii ciidamadii Maraykanka lagu laayey Muqdisho.

Clinton waxa uu saaxiibkii ugu calaacalay in dhacdadaasi ahayd wixii ugu xumaa ee soo maray afartiisii sano ee hore e madaxnimada, oo ay ku noqotay riyo cabsi badan iyo salal, “Waxa uu damiirkaygu dareemayaa in aan si shakhsi ah masuul uga ahaa maydka ilmahaas (Askarigaas) la jiid-jiiday shaaracyada” ayaa uu yidhi Clinton.

Ciraaq

Mar kale oo ay Blair iyo Clinton talefanka ka sheekaysteen waxa uu madaxweyne Clinton muujiyey aragtidiisa ku waajahnayd sida looga hortegayo madaxweynihii Ciraaq Saddaam Xuseen, waxa aanu sheegay in aanay isaga wax dan ahi ugu jiri dilka ama soo qabashada Saddaam Xuseen. Isaga oo saaxiibkii Blair u soo bandhigaya sida ugu fiican ee ay la tahay in loola macaamilo Ciraaq waxa uu u sheegay in dhowaantaas uu mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Bariga dhexe ergo ahaan ugu diray Ciraaq, si uu Saddaam Xuseen ugu sarraxo aragtida Clinton ee ku aaddan, “Waxa aan u sheegay in uu u tago Saddaam, oo uu u sheego in aanan anigu dan iyo xiise gaar ah u lahayn dilkiisa ama baacsashadiisa iyo soo qabashadiisa. Iyo in aanan doonayn in aan khiyaamo la dheelo, ee keliya aan doonayo uun in aan joojiyo inuu sii horumariyo barnaamijkiisa hubka Kiimikada iyo Bayoolojiga” ayaa uu yidhi Clinton.

Putin

Mar kale oo ahayd bishii Abriil ee sannadkii 2000 ayaa sheeko talefan oo dhex martay Tony Blair iyo Bill Clinton waxa ay ku soo hadal qaadeen madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo isagu markaas qabtay talada dalka Ruushka. Blair waxa uu saaxiibkii u sheegay in uu aaminsan yahay in Putin uu doonayo in uu Maraykanka u arko dal ay xulafo yihiin. Halka uu Clinton oo ka hadlaya malaha uu ka

 haystay Putin ugu jawaab celiyey, “Waa nin aan ka filayo Karti iyo hiigsi badan oo dadka Ruushka u dan ah. Si guudna waxaa ka muuqda niyad wanaag in la sharfo mudan iyo qummannaan” Laakiin ammaantaas kadib Clinton waxa uu intaas ku sii darayaa in aanu weli go’aan ka gaadhin waxa uu ka yeelayo iyo nooca xidhiidh ee uu la yeelanayo Putin. Isaga oo intaas ku sii daraya faallo saadaalin ah oo uu Bill Clinton kaga digayo in Putin laga yaabo in uu tirtiro dimuqraadiyadda Ruushka.

Dhimashadii Diana:

Clinton oo mar kale saaxiibkii Blair ka tacsiyadaynaya dhimashada amiirad Diana oo iyada iyo saaxiibkeedii Masaariga ahaa ay shil baabuur ku dhinteen bishii Sebtambar 1997kii. Clinton waxa uu muujiyey in uu shilkaas aad uga xun yahay, aadna ugu naxay labada wiil ee ay amiiraddu ka tagtay oo kala ah William iyo Harry, halka uu Tonny Blair isna ugu jawaabay in Diana ay noolaatay noloshii ay doonaysay, wararkeeduna warbaahinta oo dhan ku faaftay, laakiin sida uu sheegay uu si shakhsi ah u tebi doono.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories