HomeCiyaarta ugu Xiisaha badan Somaliland - W/Q: Ceelaabe

Ciyaarta ugu Xiisaha badan Somaliland – W/Q: Ceelaabe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wadan kasta oo Aduunka ka tirsan Dhalinyartiisu waxa ay aad u ciyaartaa wakhtigana ku lumisaa Qaar ka mid ah ciyaaro wadankaasi ka caan ah isla markaasina uu gaar u leeyahay.Asia inta badan Ciyaaro ka baxsan Kubada cagta Ayaa ah kuwo Dhalinyartu ay aad u xiiseyso,Wadamada India,Pakistan,Bangaladesh iyo Srilanka waxa Kaalinta koowaad ku Jira ciyaaraha aadka loo daawado,la ciyaaro ama la xiiseeyo Ciyaarta Cricketka.Australia Cricketka Ayaa ka mid ah Ciyaaraha inta badan Kaalmaha hore ku jira Dhalinyartuna ay Jeceshahay,Wadamada qaar Dabaasha ama Wixii la xidhiidha in badaha iyo biyaha lagu baratamo.Wadamo kale Waxa laga Ciyaaraa Ciyaaro u badan Xoog iyo Hadba miisaanka qofka oo lagdin u badan.NBA Ayuu USA ku caan yahay.Wadamo badan oo America ka tirsan iyo Europe waxa caan ka noqotey ciyaarta Kubada cagta oo ah mid ka mid ah Ciyaaraha ugu daawashada,Xiisaha,Taageerada iyo Ciyaarida badan Wakhtigan caalamka.Ciyaaraha la wadaago ama wadankasta laga ciyaaro laguna qabto Aduunka oo dhana ku faafey Ayaa kubada cagtu ka mid noqotey.

Dib u dhiga Koobka gobolada somaliland Ayaa ahaa mid aan la fileynin.Shaqaaqadii Doorashadii golaha deegaanka Ayaa dhalisey in la baajiyo Qabsoomidii ciyaaraha gobolada somaliland oo loogu balansanaa caasimada hargeisa.Sida wararka aynu ku soo Maqalneyna waxa dib loogu Dhigey June in ay ka qabsoomaan wadanka.Ciyaaruhu waa mid ka mid ah waxyaabaha bulshadu isku dhex gasho dhalinyartana lagaga Jeediyo balwadaha haddii si fiican oo Sharci ah loo Qabto.Ciyaarihii Heerka labaad Ayaa muddo yar ka hor Caasimada ku soo Dhamaadey kana socdey Hargeisa stadium.Ciyaaro saaxibtinimo oo  gobolada qaar dhex marey Ayaana Jirey.Dhinaca kalena waxa Jira in Shirkada somtel ay ku deeqdey Dharka iyo Agabka ciyaaraha oo loogu talo galay Ciyaaraha gobolada somaliland qaarkood.Telesom Ayaana lacag ugu deeqdey hirgelinta ciyaaraha gobolada somaliland ka hor intaan shaqaaqadu dib u dhiga keenin.

Koobka Ciyaaraha gobolada somaliland ayaa ah mid lagu tartamo ciyaaro kala duwan hase ahaate ay si weyn uga dhex muuqato Ciyaarta loogu Jecel yahay somaliland oo ah Kubada cagta.Waxaana ka soo dhex baxa sannad kasta xidigo guulo waaweyn u hor kaca Goboladooda kuwaasi oo dhinaca kalena ku guuleysta Abaal marino kala duwan.Daawashada Ciyaarahaasi,Tebinta dhinaca televisionka iyo Dadka qurbo Jooga ah ayaa si  weyn xiiso u Geliya ciyaarahani.Waana marka la ogaado in ciyaaruhu ay door fiican ku yeeshaan nolosha dhalinyarta,Waxa kale oo maalmahan la ogaadaa in wadanku u baahan yahay garoomo badan lana joojiyo kuwo yar ee la sii iibsanaayo ama boobaayo.Garoomada oo yaraada iyo barxadihii ciyaaraha oo  la dhisto Ayaana sabab u noqotey in dad badani ay wakhtigoodii ku soo lumiyaan wax aan u wanaagsaneyn.

Kooxo aad u tiro badan oo ciyaartooyo u ciyaara shirkadaha iyo ururada bulshada intaba,wasaaradaha qaarkood ama dawlada hoose,dugsiyada waxbarashada,jaamacadaha iwm Ayaan qaarkood ku Arkaayey iyaga oo Maraya 18 May.Ciyaartoyga ciidamada somaliland Ayaana leh Mustaqbal Ciyaartoy oo soo Jiiita Daawadayaasha Taageera.Mushahar sida dheef waxooga ah,tababar,tartano iyo gadiid gaar ah ayeyna ku Heystaan.Kubadu waa ciyaar dhalinyarta intooda badani soo martey,Waa ciyaar dagaal,Khilaaf iyo Dhaawacyo halis ah mararka qaar kaaga tageysa.Waa ciyaar In badani ay daawato iyaga oo aan ciyaarin,kuwo kalena ay ciyaaraan isla markaasina daawadaan.Waa ciyaar ay kaga badbaadeen dhalinyar badani balwado kala duwan.Wakhtigan Ayaase la odhan karaa aad ayaa ciyaaraha loo daawada caalamka  hase ahaate aad  wadankeena loogama ciyaaro.

Kubad iyo Garoon waa waxa ugu horeysa ee Dhalinyarteenu marka ay soo Koraan ay Maskaxda ku qabtaan.Waana Ciyaarta ugu  Weyn ee  Sugeysa Da,yarta xaafadaha ka soo dareereysa.Waa Ciyaarta ay ubadka ku dilaan Waalidiintu inta badan iyaga oo Tilmaama in ay ka qaadey wakhtigii Nasashada ama wax Akhriska waxbarashada.Gelinka danbe 4,5,6 inta ka u dhaxeyse ama saacadahaasi Ayaad meelo badan ku soo Mareysaa da,yar badan oo Kubad u kala baxey.Garoomadii aad ku ciyaari Jirtey berigaad yareyd markaad soo hor marto iyaga oo la dhistey ama Weli sidii u banaan Waxa ay ku xasuusineysaa Wakhti hore  iyo  Caruurnimadii aad u yareyd ciyaarta iyo kubadaba.

Xiisaha iyo Jaceylka ay kubada cagta u qabaan Ayaa ka badan midka ay waxbarashada,Buuga ama wax akhriska u hayaan.Habeenkii ilaa Niska danbe Ayey u soo Jeedaan daawashada ciyaaraha Europe ama meelo kale ka socda si loo ogaado Natiijada ka soo baxda.Waxaase Dhinaca kale soo badanaya Da,yarta Gelinka danbe wax dhigata,Maadooyinkii dugsiga oo intii hore ka soo batey kana Adkaadey awgeed.Macalimiinta Gaarka ah iyo kuwa Madarisadaha Ayaana Doorkii ciyaaraha ee dhalinyarta aad u dhaawacey kuna Tilmaama wakhti lumis aan loo baahneyn.Xiisadihii Ciyaaraha Ayaana noqdey kuwo aan laheyn wax ahmiyad ah.

22 Sanno ee wadanka lagu Jirey waxa somaliland ka soo dhex baxey Xidigo Ciyaarta kubada cagta caan ku noqdey oo Wakhtigan Bulshada kaalin muhiim ah ugu Jira,sida la taliyayaal,Tababarayaal iyo  Dadyow u dhaqdhaqaaqa ilaaliyana dhulka danta guud sida dayactirka garoomada lagu ciyaaro,ilaalintooda ama bilaabida Garoomo cusub oo Dhalinyartu ay ku Ciyaaraan.Waxaana bulshada lagu Dhex Arkaayey Xidigihii Gobolka ee Hore Dawladii hore uga Tirsanaa oo Dhiirigelin u noqdey Da,yarta dalka oo Ciyaarta kubada cagta u hayey Xiiso aan la soo koobi karin.

ugu danbeyntii Kubada Ayaa kaalinta Kowaad ugu Jirta ciyaaraha kala duwan ee Somaliland laga ciyaaro.Wadankuna horumar kala duwan Ayuu ka soo sameeyey Hirgelinta ciyaaraha sida kuwa caalamka ah,Arintani oo ah mid dhalinyarta la rabo in lagaga baajiyo balwadaha iyo daroogooyinka kala duwan.Waxaana inoo Farxad ah in mararka qaar Xulal kala duwan oo ka socda Somaliland sida orodka ama Kubada koleygu ay ka  qeyb galaan tartano Wadamada geeska africa ah,Inkasta oo Maalintii dhaweyd kooxdiii Ugaandha laga baajiyey siyaabo kala duwan ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta waddani iyo wasaarada ciyaaruhu ugu murmeen  aheyd in lacagtii 25,000$ aheyd ee safarka loo waayey iyo in lagu baajiyey in tartanku ahaa mid Somalia meelo badan oo ka mid ahina ay ka soo Qeyb galayeen.Koobkii Gobolada June Ayaa loo dib dhigey  Ayeynu maqalney,June waa tan fooda inagu soo Heysa bal eegnaa.May waa 18 May,June  waa Dhinac kale iyo Ciyaarihii gobolada somaliland.Koobabka Tahriibka ee Tiro beeleyna miyaaney Dhalinyarta Joojin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories