HomeCiyaarihii Gobollada Somaliland oo furitaankooda dib loogu riixay bilowga Sannadka Cusub

Ciyaarihii Gobollada Somaliland oo furitaankooda dib loogu riixay bilowga Sannadka Cusub

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland Md. Cali Siciid Raygal, ayaa shaaca ka qaaday in dib loo dhigay tartankii ciyaaraha goboladda dalka Somaliland oo hore ay wasaaraddu u iclaamisay inay caasimadda Hargeysa ka furmi doonaan muddo imika laba maalmood ka hadhsan yihiin.

Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu tilmaamay in ciyaaraha goboladda la qaban doono 15-ka Bisha January 2013 ee fooda inagu soo haysa.

Wasiirka Ciyaaraha
Wasiirka Ciyaaraha

Wasiirka oo sababeynayay dib u dhiga tartanka ciyaaraha goboladda waxa uu yidhi “Waxaa isku soo beegmay laba arrimood oo labaduba ah Hawlo Qaran oo ah tii doorashada Golaha Deegaanka iyo tii ciyaaraha markaa dad badan oo ciyaaraha ku hawl gali lahaa oo xataa dad ciyaar toy ahi ku jiraan oo ay ku jiraan dad garsoore yaal ah ayaa waxay ku mashquuleen oo ay ka shaqaynayeen arrimihii doorashooyinka.

dabadeedna dadkii way u saamixi wayday waxaana laga yaaba in ilaa imika uu goobihii degmooyinka Gobolada hawsha uu ka qabanayey uu jooga oo hawshii soo gabo gabaynayo hadana in Ciyaarta 15-ka bishan dhacaysa ka soo qaybgalo way yara adkaatay sidaa aawadeed waxay noqotay in dib loo dhigo.”

waxa kale oo ka mida dalka waxa wax ka dhigta in ka badan 200 oo kun oo arday ah, dadkaas oo ku jiray dugsida Sare,H/Dhexe iyo jaamacadahaba waxay noosoo qorteen codsiyo oo ay leeyihiin waxaanu u baahan nahay waqti imtixaanaadka la galo oo aan filayo inay ku began tahay bisha jenuary in dib lanoogu dhigo iyagoo ah dad dhalin yaro ah oo ku ab tiradsada wasaarada Ciyaaraha ayaa ay naga cod sadeen dadkaasi oo ay noo keeneen waraaqo boqolaal gaadhaya inaanu la sugno waqtiga fasaxoodo ku aadan yahay

taasina waxay noqotay arin tix galinteeda leh oo aanu tix galino maadaamoo ay yihiin dadkii dhalin yarada ahaa ee danaynayey ciyaaraha inay ka qayb galaan ama daawadaan oo ay waliba ka mid yihiin dadka juwanada goosan doona ee lacanta bixin doona, arintaasina waxay noqotay mid mihiima inaanu tixgalino ardaydaa soo qortay codsiga inay ciyaara ka qayb galaan.”

Md. Cali Siciid Raygal, wuxuu ka hadlay waqtiga la qabandoono ciyaahii Gobolada ee sanadkan la qaban lahaa waxaanu yidhi“laga bilaabo maanta dibaa loo dhigay ciyaarihii waxaana la qaban doonaa 15-ka bisha 1aad ee 2013-ka cidkasta oo u diyaar garowdayna waxaanu ka raali galin doonaa Gobolada dhamaantood wada diyaarka ahaa ee doonayey inay bari soo baxaan
waanu ka raali galindoonaa.”

Wasiirka wasaaradda ciyaaraha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Dhamaantoodna dalka gudihiisa iyo dibadiisaba dadka jooga ee doonaya inay ka soo qayb galaan waxaanu ku war galinaynaa in bisha January ay qabsoomi doonaan ciyaarihii sadan laha ahaa aanay dhaafi doonin dibna uga dhici doonin.”

Wasiirku waxa uu hadalkiisa intaas ku ladhay, “Ciyaaraha Wasaarad ahaan waanu u diyaar garawnay Gudigii hawshaa ka shaqaynayey muda hore ayaanu magacawnay garoonkiina waa laga shaqeeyoo quruxdiisa waad aragteen intiina tagtay ilaa qalabkii sida tooska ah loogu daawan lahaa baa lagu rakibay kharashkiibaa loo diyaariyey, sanadkii hore 8 Gobol baa loo qabtay sanadkan waxaanu u qabanaynaa 13-ka Gobol ee Somaliland taas ayaad ku garan kartaan in aanay wasaarad ahaan waxba naga qabyo ahayn.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories