HomeCiyaaraha Gobolada ee Hargeysa Lagu Qabanlahaa oo Dib u Dhacay iyo Doodda...

Ciyaaraha Gobolada ee Hargeysa Lagu Qabanlahaa oo Dib u Dhacay iyo Doodda Wasaaradda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)- Xulalka gobolada Somaliland ee u soo baxay wajiga labaad ee tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ee Hargeysa ku qabsoomi lahaa ayay wasaaradda ciyaaruhu ku wargalisay inaanu jirin wakhti cayiman oo la ogyahay in tartankaasi la qabanayo, sidaasi darteedna ay tahay in gobolada caasimada yimid dib ugu noqdaan goboladoodii.

Wareegii koowaad ee ka dhacay Burco iyo Boorama markii uu dhammaaday ayaa la filayay in degdeg loo bilaabo wajiga labaad oo Hargeysa lagu qabanayay, waxaanay gobolada caasimada ka durugsani yimaadeen Hargeysa, balse shalay ayaa la ogaysiiyay inay dib ugu laabtaan goboladoodii.

Xulalka gobolada, Sool, Sanaag, Daadmadheedh iyo Xaysimo oo caasimadda ku sugnaa tan iyo markii wareegga hore dhammaaday badhtamihii bishii hore ayaaa shalay wasaaraddu u sheegtay inay dib isaga laabtaan, kana war sugaan wasaaradda ciyaaruhu xilliga ay diyaariso .

Agaasimaha wasaarada ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) oo wargeyska Geeska Afrika uu wax ka waydiiyey arrintan ayaa xaqiijiyey in gobolladaas la ambabixiyey,“goboladaasi sidaas ayey ku noqonayaan waana afartaa gobol ee markii horeba iyagu soo degdegay, iyaga iyo kuwa kalaba mar ayaa loo wada yeedhayaa,” ayuu yidhi Agaasime Dhabbeeye oo Geeska Africa la hadlay.

Agaasimuhu waxa uu ku dooday inaanu jirin wakhti go’an oo ciyaarahaas loo qabtay, waxa aannu hoosta ka xariiqay in ciyaarihii ka dhacay Burco iyo Boorame ahayn kuwii rasmiga ahaa, balse uu ku tilmaamay is-reeb-reebkii loogu soo baxayey kuwa rasmiga ah, isaga oo arrintaas iyo sharraxaada ciyaarihii ka dhacay Burco iyo Boorama ka hadlayana waxa uu yidhi, “Boorama iyo Burco wixii ka dhacay is-reeb-reeb ayuu ahaa oo waxa loo soo baxayaa waa tartankii rasmiga ahaa, markaa kaas goorta la doono ee wakhtigiisa la sheego ayuunbuu dhacaya oo anagu wali maanu odhan maalintaas iyo bishaas ayuu dhacaya. Markaa marka aanu si dhaba u sheegno ayaa la odhan karaa wakhtigii aad sheegteen dib ayuu uga dhacay.” sidaas ayuu yidhi Maxamed Xuseen Dhabeeye oo ka hadlaayey mudaynta ciyaaraha gobolada.

Arrintan ayaa imanaysa xilli wasiirkii ciyaaruhu iscasilay maalmihii la soo dhaafay kadib markii uu ku guuldaraystay qabashada ciyaaraha. Wasiirka ayaa la sheegay in wasiirka maaliyaddu u sii dayn wayday kharashka ciyaaraha, taasina sababtay kharash la’aan soo food saartay wasaaradda ciyaaraha iyo ciyaartoyga gobolada ee tartanka ka qayb galayay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories