HomeCISMAAN IBRAAHIN WARSAME (HURRE WALAN-WAL): QALCAD DHAQAN OO DUNTAY

CISMAAN IBRAAHIN WARSAME (HURRE WALAN-WAL): QALCAD DHAQAN OO DUNTAY

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Saddex Raggu Ka Faano, ayaan Ku Faanaa, Saddex Raggu Ku Faano’se Igama Reebto,” Sidaas waxa yidhi Hurre Walanwal.

Waa 15.12.2023 Maalintu Jimce tahay Amin Salaadii Casar dabadeed ayaan Baraha Bulshada ka halacsaday Warka Geerida AHN Abwaan Cismaan Ibraahin Warsame oo Hure Walanwal loo yaqaanay.

Geeridu Waa xaq nafwaliba dhadhamin doonto. Balse waxaa Inaga Baxay Matxaf dhaqan oo dhamaanteen aynu marag ka nahay inuu Qalcado badan ka koobnaa. weliba Macluumaadka ku duugnaa In yar oo fara ku tiris ahi sii hayso

Balse maxaynu u dhignaa Boqolaalkii Sheeko dhaqameed ee marka uu sida Farshaxanka ah u tebinaayo. aan qofna is dhaqaajin jirin. iyo suugaantiisii Hido iyo dhaqanka ahayd.
Ilaa Daqiiqadii warkiisuu soo dhacayna Boqolaal kun oo Fariimood ayaa hawada ku jiray, waana geeri dadka Afsoomaaliga ku hadlaa ay ku fasireen Inay demisay shumac weyn oo Dhaqankii iyo Suugaantii Af soomaaliga dam ka yidhi…

Inkastoo dad badan oo ay isku dhowaayeen aan dhowr Jeer ka maqlay inaanu Waxbarasho iyo Tacliin Iskuul lahayn.waxaase Mucjiso iyo lama arag ahayd Madal kastoo laysku arko khabiirka, aqoonyahanka, Siyaasiga iyo Nin walboo wax is bida, ayaa weedha AHN Hurre ka saamayn badnayd. Horaana loo yidhi CILMIGU WAA CAQLI LA URURSHAY. Alaha Raxmaanka ahina wuxuu siiyey mawhibat qaali ah oo uu Aragtidiisa ku fasiri karo.
Markaan soo koobana waxaan odhan karaa wuxuu ahaa Xeel dheere aad u aaminsan dhaqankeenii qabka ku dhisnaa Ee Reer guuraageenii hore lahaayeen.
Waraysi uu Siiyey Weriye Abiib Iimaan Xasan. Sanadkii 2007 Wuxuu ku sheegay arin dad badan oo maqlay yaab ku noqotay waxaanu yidhi
Saddex Ragu ka Faano ayaan ku Faanaa Saddex Ragu ku faano’se kagana hadho.
Wuxuu yidhi Saddex baan ku faanaa
1. Fool Xumo
2. Gaabni
3. Odaynimo
Balse Saddexdaa Anoo isku Og marka Inan Rag Saddex u baxo kagama hadho waana
1. Deeqda
2. Doodda
3. Dagaalka.
Halkaana waxaa Ka cad heerka ay gaadhsiisnayd Kalsoonidiisu. Hees ku jirtay Silsiladii dhexmartay isaga iyo Cambaro Axmed Nuux. Waa taariikh 60 Sano ku dhow laga joogee, waa kii lahaa
“Waa Gaaban Yahay Mooyee, Geel Male Malugu Yidhi
Waa Foolxun Yahay Mooyee Waa Fule Malagu Yidhi.”
Waxaynu ka baran karnaa Kalsoonida dhibic walba oo dhiigiisa kamid ah ku jirtay. Kalsoonidiisuna waxay dib ii xusuusin jirtay dhacdo sanadkii 1998kii Maalin anagoo joognaa Huteelka Hargeysa Club. ayaa Mid Baarlamaankii xiligaasi kamid ahaa Nin Colkayagii Saxaafada ah ku yidhi “Waar kii Laangaabka ahaana xaguu ka yimi” Ninkii hadalka lagu yidhi intuu qoslay ayuu ku jawaabay Hadaad Reer Fara leh oo maal badan ka dhalatay. Cilmina aanad lahayn. Aqoon gaab, Laangaabka waxbartay kun Jeer ka hooseeyaad tahay.
Ragayagii madasha Fadhiyey ayaana Qosol Jaanta wadhay. Duqay meel noo dhow ku shaahaynaayey oo Sheekh Ibraahin, Xaaji Cabdi Waraabe, iyo dhowr Oday oo kale kamid ahaayeen Hadalka labada Nina maqlaayey ayaa badhkood Shaahii ku saxday. waxaana kasoo yeedhay Qoodhya xero Ninka waad ka badisay iyagoo aad uga helay kalsoonida Ninka Dambe.

Gabagabadiina waxaan leeyahay Allaah haw Naxariisto oo ha u nuuro Xabaasha Iilka Neecaw udgoon iyo Haku siiyo Naruuro Aamiin Aaamiin.
Qalinkii Cali Mahad Yuusuf

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories