HomeCisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo lagu Samaynayo Tayac-tirkii Ugu ballaadhnaa oo...

Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo lagu Samaynayo Tayac-tirkii Ugu ballaadhnaa oo Maanta la Daah-furay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cusbitaalka Guud ee HargeysaHargeysa (SLpost)- Midowyga Yurub oo Somaliland ka taageera dhinacyada horumarka adeegyada bulshada, ayaa daboolka ka qaaday mashruuc lagu tayaynayo hawl-qabadka Cusbitaalka ugu ballaadhan Somaliland ee Magaalada Hargeysa, kaas oo si wada-jir ah u fulinayaan shuraakadooda Terre Solidali iyo  Hay’adda Adeegyada Mashaariicda QM ee UNPOS.

Mashruuca dib-u-ballaadhinta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo maalgelinta ku baxaysa lagu sheegay Hal Milyan iyo Badh Yuuro (1.5m), ayaa la filayaa in lagu dhammaystiro muddo laba sanno ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Midowga Yurub ee magaalada Hargeysa.

War-saxaafadeedkaas, ayaa u dhignaa sidan: “Midowga Yurub waxa uu maanta daah-furay mashruuca dayactirka Cisbitaalka Hargeisa (Hargeisa Group Hospital) si loo hagaajiyo galaangalka adeegyada caafimaad ee dadweynaha sida dhaqsida leh u kordhaaya ee Hargeisa. Asaga oo ay la jiraan shurakadiisa, Terre Solidali iyo Xafiiska Qaramada Midowbay ee adeegyada mashruuc (UNPOS) ayaa Midowga Yurub wuxuu kordhin doonaa wax ku-oolnimada, tayada iyo is-wadka cisbitaalka ugu weyn Somaliland kasoo ay heystaan dhibaatooyin dhismeed iyo awoodeed oo tirada dadku ka tan-badisay.

Mashruuca oo Maagelintiisu dhan tahay1.5 milyan Yuuro ee muddada 24ka bilood soo socota, ayaa wuxuu ka taageeri doonaa cisbitaalka xagga horumarinta qorshaha guud ee dhismaha taasoo u jihaysan taagyeerida is-kaabidda shaqo ay leeyihiin qaybaha kala duwan ee cisbitaalka, goobo soocan oo muhim ah iyo in la abuuraa adeegyada maqan. Intaa waxaa dheer, mashruuca wuxuu xoojin doonaa horumarinta dhismooyin xaddigoodu yar yahay iyo sidoo kale fulinta nidaam daryeel ee qalabka daaweynta cisbitaalka. Mashruucu wuxuu kaloo u habaysan yahay in uu wax ka qabtaa taya daryeelka caafimaad ayadoo loo marayo abuuridda hal-beega hab-raacyo caafimaadeed iyo la hagaajinta ururinta iyo ka-baaraab-degidda xogta caafimaad.

Wax-qabadka mashruuca waxaa ku jira qayb xoogan ee ah dhisidda awooda ee qayb kasta. Farsamooyin hagaasan ee maamulka maaliyadda iyo xogta waxay kordhinayaan arimaha caafimaadka, la-xisaabtanka iyo wax ku-oolnimada ayadoo ay abuureyso jawi suurta geliya abuuridda iyo maamulidda dhaqaalaha iyo in loo isticmaalaa daqligaa iyo xogtaa soo korortay in lagu qabtaa adeegyo munaasab ah oo intii hore ka badan.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories