HomeCinjirro uu ka Mid Yahay Mujuruca Carruurta oo Laga Helay Kiimiko Sababa...

Cinjirro uu ka Mid Yahay Mujuruca Carruurta oo Laga Helay Kiimiko Sababa Cudurka Kansarka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in cinjirro badan oo uu ku jiro mushuruca carruurta wax lagu siiyo laga helay kiimiko dhalisa cudurka kansarka. Waxa kaloo xannuunkaas laga helay cinjirdhka Kondhomka loo yaqaan ee loo isticmaalo galmada.

Waxa kaloo hay’addu sheegtay in galoofiska ama gamco-gashiga loo isticmaalo goobaha caafimaadka, caagaga naqaska bukaanka laga siiyo, xadhkaha laydhka kabaha, taayirrada gawaadhida iyo cinjirka amma rabadhka lacagta lagu xidho oo baadhitaan lagu sameeyey laga helay waxlo kiimikaad oo sababa kansarka.

WHO ayaa sidoo kale xustay in waxyaabo badan oo ka mid yihiin kubbadaha lagu ciyaaro walaxdan ku jirto, taasoo ka kooban macdanaha Mercury, Lead, Arsenic iyo walxo kale oo sun kiimikaad ah.

Hay’addu waxa ay cabsi ka muujisay in ciyaaryahannada, gaar ahaan gool-hayayaashu si kedis ah u liqaan walxahan marka ay difaacanayaan goolkooda, kuwaasoo ku jira galoofisyada, shabaga goolka iyo waliba kubbadda.

Ciyaartoy la yidhaa Nigel Maguire oo 18 jir ah, isla markaana uu dhalay nin ka mid ah Madaxda Xarunta Caafimaadka ee Ingiriiska, kana ciyaara jagada gool-hayaha, ayaa laga helay kansar, iyadoo markii la baadhay la ogaaday inuu ka qaaday cinjirradan.

Mr. Marguire oo ah Madaxa Xarunta Caafimaadka ee NHS Cumbria, ayaa sheegay oo shaqadiisa hore uga hawlgabay si uu wiilkiisa u caawiyo, waxaannu sheegay in walxahan uu ka qaaday kansar aad u xun.

Kulan lagu qabtay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska, kuwaasoo ay isugu yimaadeen 24 khabbiir oo ka kala socday 8 dal, ayaa ku qancay caddaymihii la soo bandhigay ee lagu muujiyey in cinjidhadan ay ku jiraan kiimikooyin sababa kansar iyo cuncunka maqaarka.

Prof. Hans Krombhout oo ka mid ah guddida khubarada ah ee baadhitaanka ku sameeyey walxahan kiimikaad, ayaa sheegay in ay ka heleen goloofyada, mujuruca masaasadda ee carruurta iyo kondomka galmada.

“Waxa dhawaan la ogaaday in rabadh amma cijirro badan oo la xidho amma taayirradaba ay yihiin waxyaabo sumaysan,” ayuu yidhi Prof. Hans.

Khubaradan oo hoggaaminaya baadhitaannada walxaha kiimikaad ee dalka Ingiriiska, ayaa shacabka u soo jeediyey in aanay welwelin, baadhitaannada lagu samaynayo, halka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO qiratay in aanay khatarta inaas le’eg u war hayn.

Khubaro cilmi-baadhis ku sameeyey arrintan oo WHO u dirtay, ayaa shaaciyey in rabadhada laga helay kiimiko sababta kansarka ku dhaca caloosha amma dhiigga raaca iyo kiimikooyin kale oo khatar badan, halka cilmi-baadhis kale oo la sameeyeyna ay iftiimisay in kiimikadan ay xayaawaan lagu tijaabiyey ku sii badisay unugyada kansarka sababa.

Hay’adda WHO oo go’aankeeda ku daabacay jariirada Lancet Oncology ee caafimaadka ka faaloota, waxaanay ku sheegtay in rabadhadan ay waxyeelo u leeyihiin dadka, loona baahan in laga digtoonaado.

Xigasho Maankaab

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories