HomeCilmi-baadhis: ‘Dhab ahaantii Guul-darradu Adiga ayey kuu Fiican Tahay’

Cilmi-baadhis: ‘Dhab ahaantii Guul-darradu Adiga ayey kuu Fiican Tahay’

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Dadweynaha Ingiriiska ayaa ku maahmaaha ‘Guul-darradu waa macallinka ugu fiican ee nolosha aadamaha.’ Sidaa darteed, khubaro sannado badan baadhayey saamaynta guul-darradu ku yeelato qofka ayaa soo saaray inay u fiican tahay dadka, maxaa yeelay waxa qofka ka faa’iidaystaa khaladaadka uu galay si aanay mar dambe dib ugu dhigin horumarikiisa.

Cilmi-baadhistan oo cusub ayaa iftiimisay in maskaxda bani’aadamku ay laba darriiqo wax ku barato. Dariiqada koowaad waa, taxadir barashada, taasoo qofka ku keenta ciqaab iyo khibrado taban (negative), waxaanay maskaxda ku tababartaa in ay ka fogaato ku noqoshada khaladaadka.

Dariiqa labaadna waa barashada ku dhisan abaalmarinta. Waa dariiq togan (positive) oo keenta in qofku fikradaha dhiirrigelinta ah khibrad ka qaato, taasoo maskaxda ku keenta in ay dareento guul markay hesho jawaabta saxda ah.

Daraasaddan oo ay samaysay Jaamacadda University of Southern California ee dalka Maraykanka, una badnayn kombuyuutar (scan) la mariyey maskaxda dadka ooMaankaabsoo xigtay, ayaa lagu ogaaday in marka qofku fursad u helo inuu barto guul darooyinkiisa waxyaabaha sababa u beddeli karo guulo, gaar ahaan haddii maskaxdu fursad u hesho inay barato khaladaadkeeda.

“Waxa aannu soo bandhignay xaalado dhawr ah, markii aan helnay macluumaad nagu filan ee ah in aannu dooran karno wax, dabadeed maskaxdeennu waxay gaadhaa dariiqyo ay awood isku siinayso, halka ay ka digtoonaan lahayd waxyaabahaas.” Sidaa waxa yidhi Giorgio Coriceeli oo ah macallin Maraykanka wax ka dhiga, gaar ahaan Jaamacadda USC (University of Southern California).

Cilmi-badhayaashu waxa ay 28 mawduuc oo kala duwan waydiiyeen dad da’doodu ku dhawaad tahay 26 jir, waxana lagu harqiyey su’aalo taxan si loogu qasbo in ay helaan jawaabta saxda ah, haddii ay doortaan su’aasha khaladka ah, waxay waayayeen lacag, hadday jawaabta saxda ah gartaanna lacag baa la siinayey.

Waxa la ogaaday in qofka khaladaadkiisa barta uu ugu fiican yahay oo uu hadhaw guusha gaadho, isla markaana murugadu ku yaraato, maadaama uu fahmay halka khaladku uga yimi.

Xigasho Maankaab

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories