HomeCIIL KAMA KORA

CIIL KAMA KORA

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Ma korto, ma waynaato, wax ma korodhsato, caqli uma siyaado weliba kaaga darane intaa midna ma oga ee halkaasay ku qanacsan tahay. Ma iyadaa sidaa u samaysan mise waa raqayo cidi daba hayso oo xadhko aanay arkay lagu dabray ? Mise waa qaddar Ilaahay oo markeeda horaa halkaa loo calaamadiyay aan looguba talagelin inay dhaafto oo ay xayndaabka waydaarato

Dhowrka qof oo ka soo dhex mudha ee caqligooda iyo garashadoodu ay soo saarto ee jidhkoodu damqanayaa cadow kele uma baahna oon iyaga laftooda ahayn. Weligeed debedda inta lagaga soo duulay garashadeeda iyo korniinkeeda toona lama dhaawicin, iyaduun baa is boqno goysa oo geesigeeda gowracda, markay hubsato inay naftii ka baxdayna u baroor diiqda oo sannadaha intaa ka dambeeya oo dhan u oyda oo xusta. Ka ku xigana sidaa si leeg uun baa u dambaysa. Waxa ka dhashay geesiyo adduunka ay ugu faani lahaayeen maskax, dhaqaale, horumar iyo dad ahaanba laakiin kuwaasi iyaga oo aan loxos bixinba iyagaa birta ka aslay oo godka ku hubsaday.

Sannad kasta waxaan tagaa xuska haldoor qiimo lahaa oo la boqno gooyay oo weliba kuwii cidhbaha jaray ay ka dul ooyayaan oo wixii uu wanaag lahaa ka dul akhriyayaan. Wanaag aan markuu joogay muuqan oo weliba uu ku kasbaday colaad iyo cadowtinimo gaamurtay laakiin soo if baxday uun markuu god galay. Wanaag aan laga qaadan laguna camal falin lagana faa’idaysan ee afka uun laga sheego.

Abwaanno way ku daaleen, hal abuurro way ku xiiqeen, Culimo way ka quusatay, Hoggaamiyayaal hadalkoodaba daa iyagana. Waa dhagax dixeed oo intaas iyo in keleba way ka danab kacayaan, weliba ku darsoo mana digigixooto.

Sowkii markuu ka yaabay ee uu dhan walba kaga yimid ee uu arkay inaan cidi waxba ka gurayn waakii hadal ku soo meeray:

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Haaheey, wixii hore u soo daashaday bay degeshanaysaa weli. Waa imisa imika ?? 200 oo sannadood ka hor halkii ay taagnayd iyo godkii madoobaa ee ay ku jirtay miyaanay weli taagnayn ??

Haba fogaynine, Allah ha naxariistee Timacadde wixii uu 60 sannadood ka hor ka hadlayay miyaa laga gudbay mise iyadii oo heeryaysan baabay taagan tahay ? Ummadaha kele halkii ay 10 sannadood oo keliya ka hor taagnaayeen ma taagan yihiin mise way ka gudbeen ?? Horta yaa is barbar dhigay weli ?

Cirkay ku faruuryo xidhan tahay iyadoo dahab ku kor fadhida. Wax awr ka yar ma aragto, iska daa berri e caawa kama fekerto saadambana hadalkeedaba daa. Ka hor taagan wax ka shisheeya ma aragto iskaba daa inay wax jeedaaliso. Iyadaa isu wada muuqata. Hebelba hebel uun baa u muuqda wax kelena ma arko. Marka badda laga sheekaynayo hebel buu ka dhex arkaa haddii cirka la soo qaadana hebel kele ayaa uga dhex muuqda, laakiin cirkaa iyo baddaasi uma muuqdaan.

Intaaba waxa kaga daran cirkaasay isla maraysaa oo halkan aan ka hadlayaba anigaa iska hawhaw leh. Cid ka horraysaa inay jirto uma haysato, cid ka caqli badani inay jirto kama dhaadhicin kartid. Adigu isku soo wada duuboo caddaan iyo madowba inuu iyaga uun yahay bay u haystaan.

Cadowgeeda iyo ka xiga shisheeyaha ayay ka jeceshahay kagana kalsoon tahay. Mid mid aaminsani kuma jiro oo mid ba ka kele ayuu u yahay beenaale, tuug iyo cadow daahii go’ay.

Gaajay u bakhtiyaysaa iyadoo khasnadihii dunida dul fadhida waayo isuma ogola inay intay wada furtaan ku noolaadaan. Halkaasay kolba qaar maydkooda oo baahi u go’ay iska aasataa waxaanay go’aan ku gaadhay inay sidaa ku dhintaan intii khasnadaha la furi lahaa. Waxay yidhaahdeen “Khasnadahaasi ha inoo xidhnaadeene adeer aynu gaajo isaga dhimanno”, guddoon baana la wada yidhi. Harraad bay u bakhtiyaysaa oo xoolo iyo dadba u le’day adduunkana halkii ugu biyaha badnayd bay fadhidaa, laakiin sida lagu heshiiyay baa sidaas ay ee ay iyadu isku afgaratay. Cidda ka naxda ee tidhaahda aan idin waraabiyo mar bay iyadoon kala hadhin seefta kula booddaa oo markay hubsato inay ka takhalustay bay haddana isu soo jeesataa. Iyaduna iskama naxdo.

Waa ciil kama kora, halkaasaanay fadhidaa …………

Rooble Maxamed Saxardiid

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories