HomeCiil Hooyo

Ciil Hooyo

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Diifta, daranyada, daalka iyo dibindaabyada ka muuqata wajigeeda ayey indhaheygu qabteen, dhabanadeeda waxa ku dhigey coodhcoodh iyo gabaw, haddana da,i ma hayn oo wali waa dhalinyar, wajigeeda waxa dusha ka saarnaa qolof madaw oo aad garaneyso iney tahey milic daashatey iyo dabeyl ay la daris noqotey, argagax iyo anfariir dartii baan u dhawaadey si aan u hubiyo waxa ay indhaheygu ii sheegayaan inuu dhab yahey, waliba waan usii dhawaadey oo wajiga wajiga u saarey, wey yaaban tahey, dhinac kale cay iyo hiif bay hoostaa ka wadaa, malaheyga mid gaadhi watey oo iyada iyo xamaanteedaba cagta marin gaadhey bay wali usii gunuunuceysaa.

Anoo ku dheygagsan baan kusoo hambararey sida aan wanaagsaneyn een ugu qalaley eegmadeeda, deg deg intaan usoo boodey baan ku idhi “walaal muus baan doonayee shanta xabo waa imisa”

Muus uma dan laheyn oo Alle waa I arkayaa, lakiin waxaan doonayey inaan ogaado xaalada dhabta ah ee ay ku sugan tahey. Markiiba intey muuskii I soo wadey waxan bilaabey inaan sheeko u furfuro, ugu danbeyna waxan ku guuleystay inaan helo xogtaan rabey.

Hadalkeedii wuxu socdaba wuxu soo gaadhey “aniga oo yar baa Aabahey nin reerkayaga ah oonu qaraabo nahey isiiyey, wax alla waxaan ka garanayey nolol aduun may jirin, sidaanu iskaga wanaagsaneyn ee aanu nabad iyo nimco ugu naalooneynay, caruur laba ahna aan haysto ayuu ninkii noqdey mid aan gurigiisa iman waagu markuu soo bidhaamayo mooyaane, xiliguu doonaba ha yimaadee waxa dhibaato badan igu haysay, caruurta aan dabka loo shideynin, markuu ka goostey intii yareyd ee uu u keenayey, kor iyo hoosba ula Hadley, wax rajo ah se ka waayey ugu danbeyn waxaan go,aan ku gaadhey inaan anigu suuqa u baxo, markey ubadkii ku sigteen iney gaajo iyo macaluul u dhiman gaadhaan, ileen lacagtaa tol ahe dadkii xigtada ahaana gacan waan ka waayey, waxan ka bilaabey inaan suuqa ku iibiyo baco oon bariiska yar maalina ka karsano maalina ka qadno, waxaan sidii iskaga jiroba ileen candhaba waa xubine oo aan Alle mahadii ku suganahey, ayuu Illahey (SWT) I barakeeyay intaydii yareyd oo aan faro qabsi yar ka sameystay dabadeedna kaaryoonahan Muuska ayaan ku badeshay, intii in ka wanaagsana waan ka helaa balse nimco waliba nusqaanteed lehe, odeygii waxa uu in mudo ahba bilaabey inuu maalin oo dhan guriga hurdo oo bariiska yar ee aan naftaydii u baabiiyey uu caruurta la qaad qaato, waxbaba umaan arkeyn intaase, imika waxa ii dheer inuu I weydiiyo lacag uu jaad iyo sigaar siisto, haddii aan idhaa halkeen ka keenaana cay, hadadaad iyo gacanta ka hadel markii uu ila soo gaadho buu iigu darey.

Haba wareysan laheydaa, oohin baaba bilaabantey anigii baa jidhidhicoodey waan la ooyi gaadhey, koleyba niyada waan ka ooyayee , waxan bilaabey inaan aamusiiyo anoo sidii u dulfadhiya, waxa nasoo dul istaagey nin bakoorad laalaadsanaya, jaleecadaan eegayba intuu bakooradii dhabarka kaga mudey, buu si aan is dhibeyn,           qofka meesha duuduubana dan kalaheyn u yidhi: “hodhodho naa maxaad isla duuduubeysa sidii qof bastii ah, noo dhiib intii yareyd” intuu hadelka wado wuxuu gacanta la gaadhey laba xabo oo muuskii miiska saarna ah, judhiiba daankuu ku hubsadey, waan yaabaney haddana waxan isleeyahay malaa waa kay sheegaysay, markey u juuqi wayday ileen ciil iyo caloolyow bay la duuduubneyde ayuu intuu xanaaqey bakooradii dhabarka ka huwiyey, way iyo way, ninku miyaanu isla yaabeyn, muslinkii meesha joogey soo gurmade wataa ninkii lanaga qabtey, acuudu bilaah. dabadeedna dee mooyi wax xaal ku danbeyn! Ileen markii baa iigu danbeysee.

Waa xaalka dhabta ah iyo xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ah ee ay ku sugan yihiin Hooyooyin badan, ubad badanina u mustaqbal waayayaan.

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories