Home"Ciidanka Qaranku Dalkoodii ayay joogaan, kana bixi maayaan" – Sarreeye Gaas Nuux...

“Ciidanka Qaranku Dalkoodii ayay joogaan, kana bixi maayaan” – Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka eek u sugan gobolka Sool ay joogaan dalkooda isla markaana aanay ka bixi doonin.

Taliye nuux oo maanta khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysay ka jeediyey munaasibadda xuska 29aad ee aasaaska ciidanka qaranka oo markii koowaad lagu qabtay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in magaalada Boorama 1993-gii lagu qabtay shirweyne Qaran oo lagu soo dhisayey dawladii labaad ee Somaliland oo madaxweyne ka noqday AHN Maxamed X Ibraahim Cigaal, halka Madaxweyne-xigeen u noqday Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, halka Wasiirka Daakhiliga uu noqday Madaxweynaha wakhtigan Md Muuse Biixi Cabdi.

“1994 waxa la dhisay ciidan shan boqol ah, oo ka koobna dhamaan beelaha Somaliland, laguna salleeyey saamigii beelaha ee golaha Guurtida.

Waxa la dhisay guutadii koowaad, guutadii labaad ilaa la soo gaadho halka aynu maanta joogno, ka dib waxa lagu dedaalay in ciidankii tayadooda sarre loo qaado, oo tababar la geliyo,” Sidaas ayuu yidhi Taliye Nuux Taani, isagoo intaas ku daray in himiladii labaad ee xukuumadii wakhtigaasi ahayd fidinta maamulka dawliga ah, iyo in nabadgelyada la gaadhsiiyo dhamaan gobolada dalka.

Mar uu ka hadlayey tababarrada kala duwan ee Ciidanka Qaranku helay shanti sannadood ee u dambeeyey, waxa uu sheegay in todoba kun oo askari dugsiyada kala duwan uga soo baxeen, kuna biireen ciidanka Qaranka.

“Dugsiga Saraakiil-xigeenka Mujaahid Harag-waafi waxa tababar ku qaatay todoba boqol oo saraakiil-xigeen ah, sidoo kale kuliyada saraakiisha Cabdilahi Askar wax tababar saraakiil ku qaatay shan boqol oo sarkaal,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Dhinaca tababarada dibedda ayuu sheegay in soddon sarkaal ku maqan yihiin waxbarasho dibadeed, kuwaas oo isugu jira Injineero iyo farsamo-yaqaano sannadka dambe soo dhamaysan doona.

Dhinaca imkaaniyaadka Ciidanka Qaranka wuxuu sheegay in heleen Laba boqol iyo konton gaadiid cusub oo kala duwan.

Taliye Nuux ayaa sheegay iyagoo isku tashanaya ay dib u habayn ku sameeyeen shan urur oo madaafiicda goobta ah oo shaqeynaya, sidoo kalena dayac-tir lagu sameeyey laba urur oo Tawaangida ah.

Dhinaca dhismaha ayuu sheegay Taliye Nuux in la soo kordhiyey laba iyo lixdan dhisme cusub kala duwan oo isugu jira hangaro, xafiisyo, guryo la seexdo iyo kuwo kale.

Taliye Nuux wuxuu xusay in horumarka Ciidanka Qaranku gaadhay mudooyinkii u dambeeyey aad u badan yihiin, waajibaadkooduna aanu ku ekeyn difaaca xuduudaha dalka, balse ay ka qeybqaataan arrimaha bulshada marka loo baahdo.

Dhinaca Ciyaaraha, waxa uu taliyuhu xusay in dhammaan koobabkii oroddada ay ciyaaryahannada ciidanka Qaranku ku guulaysteen, halka tartanka horyaalada kubadda Cagta oo dhawaan la soo gebo-gabeeyey ay kaalinta 1aad iyo 2aad ku guulaysteen Kooxda Gaashaan ee ciidanka Qaranka Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories