HomeCiidanka Qaranka Somaliland oo Maxaabiis iyo Tikniko Ka Qabtay Ciidamada Puntland

Ciidanka Qaranka Somaliland oo Maxaabiis iyo Tikniko Ka Qabtay Ciidamada Puntland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa war ka soo saaray dagaal maanta gobolka Sool ku dhexmaray Ciidamo ka socda Maamul-goboleedka Puntland iyo Maleeshiyaad u dhashay deegaanka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, ayaa lagu sheegay in weerarro lagu soo qaaday fadhiisimada Ciidanka ee gobolka Sool, halkaasna uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Ciidamada huwanta ee ku sugan gobolka Sool.

War-saxaafadeedka waxa lagu yidhi, “Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u taagan yahay difaaca Qaranimada Somaliland marwalba.

Haddaba Ciidmada Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka ee jooga jiidda hore ku sugan ee Gobolka Sool.
Ciidanka Qaranka, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Ciidanka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta Maamulka Puntland-Soomaaliya.

Ciidanka Qaranka waxa ay dagaalka saaka ku qabtaan maxaabiis iyo Tikniko ay wataan cadawga soo duulay.

Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay taliska Ciidanka Qaranka.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey dagaalka Saaka iyo weerarka lagu soo qaaday Ciidanka Qaranka.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u taagan tahay nabad, horumar iyo in ay wadamada jaarkeeda kula noolaato nabad, xasilooni iyo walaalnimo.

Haddaba Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka ee jooga jiidda hore ku sugan ee Gobolka Sool.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Maamulka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta Maamulka Puntland-Soomaaliya.

Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika.” Sidaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories