HomeCiidanka Qaranka Somaliland Oo Guulo Ka Gaadhay Dagaal maanta Dhexmaray Kooxaha Huwanta...

Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Guulo Ka Gaadhay Dagaal maanta Dhexmaray Kooxaha Huwanta Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kooxaha Huwanta ah ee Isku urursaday magaalada Laascanaood, ayaa maanta weerar ku qaaday fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee duleedka magaalada Laascaanood.

Maleeshiyaadka Huwanta ee Laascaanood oo ka kooban Ciidamada Puntland, Kooxo Argagixiso ah iyo Maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee Deegaanka, waxa ay weerar ku qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland ku leeyahay Aagga Buuraha Xargaga ee Galbeedka magaalada iyo Maraaga oo ku yaalla Bariga Laascaanood.

Dagaalka Oo bilaabmay subaxnimadii hore ee saaka ayaa socday ilaa gelinkii dambe ee maanta, waxaana jira gaadiid iyo saanad military oo Ciidanka Qaranku ka furtay kooxaha huwanta ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranku guulo wax ku-ool ah ka gaadheen dagaalka isla markaana ay jabiyeen Kooxaha Isgarabsanaya oo la gaadhsiiyey khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac, halka sidoo kale gaadiid dagaal iyo hub laga furtay.

“Dagaalki maanta dhacay ee ay ku soo qaadeen fadhiisimaha difaaca ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cadowga is garabsanaya ee ka kooban puntland, argagixisada iyo maleeshiyadka ayaa lagu jabiyey dagaalka ay soo qaaden.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay horumar ka sameeyen dagaalki saaka sidda:-

b) Inay ciidanka qaranka JSL ay ka qabsadeen goobo cusub cadowga is garabsanaaya.
t) Inay Ciidanka qaranka JSL ay ka furteen soddon(30) qori in ka badan cadowga is garabsanaya.
j) Inay Ciidanka qaranka JSL ay ka gubeen saddex ka mida gadiidka ciidamada cadowga ee is garabsanaya.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa fadhiisimo Cusub ka samaystay duleedka magaalada Laascaanood oo ay ku soo ruqaansadeen kaddib markii maleeshiyaadka weerar soo qaaday ay dib ugu yaaceen gudaha magaalada oo dhufays u ah mar kasta oo dagaal dhex maro Ciidanka Qaranka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories