HomeCiidanka Qaranka oo ku hareeraysan Masuuliyiin iyo Ciidamo Puntland ah oo ku...

Ciidanka Qaranka oo ku hareeraysan Masuuliyiin iyo Ciidamo Puntland ah oo ku go’doonsan Dhahar iyo Khasaaraha dagaal dhexmaray labada dhinac

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Khasaaraha Dagaalka, Qaabka uu ku bilaabmay iyo Xaaladihii u dambeeyey ee magaalada Dhahar

Dhahar/Hargeysa (SLpost)- Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Ciidan ka socday Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa maanta gelinkii dambe dagaal ku dhexmaray Degmada Dhahar ee gobolka Badhan ee gudaha Somaliland.

Dagaalka dhexmaray labada ciidan oo muddo dhowr saacadood ah socday, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo labada dhinac kala gaadhay. Ciidanka Qaranka Somaliland waxa kaga dhaawacmay hal Askari halka ciidanka maamul-goboleedka Puntland uu halka Askari kaga dhintay, dhowr kalena kaga dhaawacmeen.

ciidanDagaalka ayaa ka dhex-qarxay Ciidanka Qaranka iyo ciidamo ay wateen Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul-goboleedka Puntland oo deegaanka u dhashay, kuwaas oo si dhuumasho ah ku soo galay magaalada, iyaga oo doonayey inay magaalada ka sameeyaan Gole-deegaan oo ku magacaaban maamul-goboleedka Puntland oo magaaladaasi yeelato, waxaana isla markiiba ka war-helay Ciidanka Qaranka oo ku sugnaa duleedka magaalada, sida uu CodkaHargeysa.com u xaqiijey wariye madax-bannaan oo ku sugan magaalada Dhahar.

“Meesha waxa yimi wasiir-kuxigeen ka socday maamulka Puntland, waxanu doonayey inay meesha (Dhahar) Gole Deeganka dhisaan, dabadeedna ciidankii Somaliland ee meesha joogay way ka hortageen oo waxay yidhaahdeen kama samayn kartaa, dabadeena is-rasaasaynbaa bilaabantay,” sidaa waxa yidhi wariye ku sugan magaalada Dhahar oo khadka telefonka ugu warramay codkahargeysa.com.

Somaliland oo ka hadashay

Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamuud Cali (Ramaax), ayaa sheegay in dagaalku ku bilaabmay ka dib markii ay masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland isku dayeen inay maamul magacooda sheegta ka sameeyaan degmada Dhahar, taasina ay u cuntami weyday Somaliland, ka dibna dagaalku bilaabmay.

Badhasaabka gobolka Sanaag waxa uu sheegay in dhinaca Somaliland ay dagaalka kaga dhaawacmeen hal askari, dhinaca askarta maamul goboleedka Puntland-na uu gaadhay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

“Xagga Somaliland hal askari ayaa dhaawacmay xaggoodana (Puntland) hal Askari ayaa dhintay dhaawacyo badan ayaa la sheegayaa ilaa imminkana rasaas googoos ah ayaa weli dhacaysa,” sidaa waxa yidhi Guddoomiye Maxamuud Cali Hayste oo warbaabinta kula hadlayey magaalada Ceerigaabo maanta.

DhaharDhinaca kale, Isuduwaha Xafiiska horumarinta iyo Nabadeynta gobollada Bari ee Somaliland Cabdikariim Maxamuud Xasan oo khadka telefonka ugu warray codkahargeysa.com isaga oo ku sugan tuulada Ceel-buh oo dhinaca Galbeed ka xigta magaalada Dhahar, ayaa sheegay in labada ciidan isku haleeleen meel ku dhow duleedka magaalada Dhahar, khasaaruha ka dhashayna yahay Dhaawacyo soo kala gaadhay Ciidanka labada dhinac, wakhtiganna ay ciidamada Qaranku ku hareeraysan yihiin magaalada Dhahar oo ciidanka iyo masuuliyiinta Puntland firxadkii ku galeen.

“Niman xagga Puntland-ta ka yimi oo ay ku jiraan Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, agaasimayaal iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo deegaanka u dhashay oo doonayay inay Council (Gole deegaan) ka sameeyaan. Si yar oo dhuumasho ahbay magaalada ku soo galeen, dabadeedna ciidankaa markiiba ka war-helay, dabadeedna way is-rasaaseeyeen, ka bacdina intay yaaceenbay magaalada ka galeen, Ciidanka Qarankuna shacabkiibuu u tudhay,” ayuu yidhi Isu-duwaha Xafiiska Horumarinta iyo Nabadeynta ee gobollada Bari Cabdikariim Maxamuud oo khadka telefonka ugu warramay tifaftiraha shabakadda Codkahargeysa.com.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Markaa adigu dhaawacyo ayaa ka soo kala gaadhay halkaas Dhaawacyo ayaa jira oo la sheegayaa labada dhinacba. Immikana wali way is-horfadhiyaan waanay isku hareeraysan yihiin. Markii lays haleelay, ciidankii ay wateen way firxadeen oo magaalada dhexdeeda ayay ka soo galeen, ciidanka Qarankuna ilaa immika wuu ku hareeraysan yahay, wax kale oo ilaa caawa dhacayna ma jirin.”

Masuuliyiinta iyo Ciidanka Puntland oo Go’doon ku jira

Gudaha magaalada Dhahar ee gobolka Badhan, waxa u ku sugan Masuuliyiinta maamul-goboleedka Puntland iyo ciidamadii ay wateen, kuwaas oo ku dhex-go’doonsan gudaha magaalada, ka dib markii ay firxadkii dhex-galeen shacabka, waxaana ku hareeraysan Ciidankii Qaranka ee fadhiisinka ku lahaa duleedka magaalada iyo Ciidamo gurmad ah oo ka tagay tuulada Cee-buh oo ka tirsan degmada Dhahar.

“Markii ay yaaceen, magaaladay galeen oo shacabkay ku dhex dhuunteen, ciidankiina magaalada bannaankeeda ayuu joogaa waayo ciidanku wuxuu dhawray shacabka si aanay waxba u gaadhin, nimankii Puntland ka yimi iyo ciidankoodiina magaalay ku jiraan, ciidankuna wuu ku hareeraysan yahay,” sidaa waxa yidhi Isu-duwaha Xafiiska Nabadeynta iyo Horumarinta gobollada Bari ee Somaliland.

Magaalada Dhahar oo ku taala Koonfur-Bari gobolka Badhan, ayaa masaafo dhan 35KM oo kaliya u jirta Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, waxa ku sugan Ciidanka Qaranka Somaliland, haseyeeshee siyaasiyiin iyo shakhsiyaad deegaanka u dhashay, ayaa xilal kala duwan ka haya dawladda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland, kuwaas oo dhammaantood socdaallo ku yimaadda magaalada iyaga oo ciidamo wata.

XIGASHO: Codkahargeysa.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories