HomeCiidanka Nabadgalyada Wadooyinka Berbera oo Maanta Xabsiga u Taxaabay Dareewalada Gaadiika...

Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Berbera oo Maanta Xabsiga u Taxaabay Dareewalada Gaadiika Bajaajta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera, (SLpost)- Ciidanka Nadab Galyada Wadooyinka ee Gobolka Saaxil, gaar ahaan Degmada Berbera  ayaa Saaka Shaqooyinkii ka joojiyey, Gaadiidka yar yare ee loo yaqaan Bajaj ama Tigta, ee isaga goosha qaybo ka mida Xaafadaha ama Goobaha ganacsi ee  magaalada, isla markaana ay raacaan dadwayne kala duwan oo iyagu ku dhaqan Magaalada Berbera.

blankTalaabadan ay qaadeen CNW ee Gobolku ayaa ku ka danbaysay ka dib markii  Dareewalada iyagu wada Bajaajta laga waayey Liisankii wada marista ee u ogolaanaya in ay maraan wadooyinka ay maraan Gaadiidka waaweyn, iyo kuwa raaxada si looga hortago shilal ay gaystaan Dareewalo aan iyagu lahayn xirfada wadida gaadiidku.

Mid ka mida Masuulyinta CNW ee Berbera oo aanu arrintan wax ka waydiinay arrintan lagu soo xidh xidhay Gaadiidka yar yare e Bajaaj, ayaa waxaa uu yidhi “ waa hawshayadii caadiga ahayd ee aanu awalba  qaban jirnay, qoladan Bajaajtana waxaa loo soo xereeyay, waxaa laga waayey Liisankii wado marista, waxaa kaloo jira qolo aan wadanka u dhalan, taana waanu baadhaynaa,  markaa waa baadhis arrimhaas ku saabsan.

Talaabadan oo qadar hakad galisay isu socodka Dadwaynaha, ayaa hadana waxaa dhinaca kale noqonaysaa in la hubiyo aqoonta Dareewalada wada Gaadiidkan, waxaana jirta in qaar ka mida Raga iyagu wada Bajaajtu ay ku socdaan xawaare sare,  isla markaana ay Gaadiidka kale ka dhaafaan haadka khaladka ah, iyaga oo  doonaya in ay ka horeeyaan, mid noociisa ah isaga oo sida ilaa 6qof, taas oo ay Dadwayne farabadani cabasho ka muujiyaan, gaar ahaan Haweenka oo iyagu inta badan raaca Bajaajtan.

Waxaa dhar jeer ka dhacay wadooyinka Magaalada Berbera oo iyagu u badan kuwo laami ah, shilal ay isku dhaceen Gaadiidka Bajaajta iyo Baabuur kale, taas oo inta badan ay qaladka yeeshaan, Masuulka ama Dareewalka, wada Bajaajtu.

Waa markii u horaysay ee ay CNW  qaadan talaabo noocan  noocan oo kale ah taas, oo  lagu hubinayo Liisamada Dareewalada Gaadiidka Bajaajta, taas oo hadii ay hirgasho wax wayn ka tari doonta  cabashadii iyo baqdintii  ay bulshada iyagu adeegsada raacida  Gaadiidkan, ka qabeen Dareewalada iyagu wada Gaadiidkaas.

SLpost News Desk

yaasiin_29@rocketmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories