HomeCiidanka Nabad-gelyada Waddooyinka Oo Tallaabo Sharci Ku Fuliyey Gaadiid U Hogaansami waayey...

Ciidanka Nabad-gelyada Waddooyinka Oo Tallaabo Sharci Ku Fuliyey Gaadiid U Hogaansami waayey Amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hawlgallo ay ku qab-qabanayaan gaadiidka basaska rakaabka isaga kala goosha gobollada ee aan fulin Amar ay hore ugu soo jeedisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, kaas oo lagu faray inay gaadiidkooda ku xidhaan qalabka xakameeya xawaaraha baabuurta.

blankCiidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo kaashanaya Masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa hawlgal ka fuliyey kaantaroolada ku yaal jidka caasimadda Hargeysa uga baxa gobollada bariga iyo galbeedka dalka, iyadoo halkaas lagu qabtay gaadiid badan, gaar ahaan basasba rakaabka u kala qaada gobollada dalka ee aan u hoggaansamin amarkii ahaa inay gaadiidkooda ku xidhaan qalabka lagu xakameeyo xawaaraha gaadiidka.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Somaliland Mr. Maxamed Cige iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Waddooyinka oo saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgallada ay bilaabeen gelinkii hore ee shalay.

“Anigu Ciidanka Boolis ahaan, waxa aannu fulinaynaa awaamiirta ka soo baxay Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland oo shirkadaha gaadiidka ee dadweynaha bacadka wadhaya ee hore loo iclaamiyey, waxa aannu leenahay ha ka daayaan oo ha qaataan wixii sharci ah oo booyadaha oo iyaguna ugu dambeeya, Iska-rogooyinka waxa aannu anagu leenahay wixii sharciga khilaafa waannu qabanaynaa. Waxa kaloo aannu dadka u sheegaynaa oo aannu iclaamin doonaa baabuurta qaadka, booyadaha, Iska-rogooyinka, kuwaasna waxa loo qabtay muddo lixdan (60) maalmood ah inay ku qaataan qalabka xawaaraha lagu yareeyo, wixii lixdankaas maalmood ka dambeeya haddii ay ku soo qaadan waayaan wixii sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa, haddii Ilaahay yidhaahdo.” Sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Somaliland.

blank“Waxa aan dadweynaha u sheegayaa in haddii arrintaas ay dirawaliintu khalkhal-geliyaan oo ay qalabkaas khalkhal-geliyaan in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.”

“Waxa aannu u sheegaynaa dadweynaha oo ay khasabna tahay in aannu kula shaqayno siyaasaddeeda iyo hawlaheeda, waxaanan maanta (shalay) u soo baxnay si aannu u dhimi lahayn, sidii aannu uga hubin lahayn xawaaraha gaadiidka, iyadoo la eegayo cidda qaadatay qalabkaas, sida ay u isticmaalayso.”

Marwo Ayaan Cabdicasiis Maxamed oo ah Agaasimaha Waaxda Buugaagta iyo liisamada ee Wasaaradda Gaadiidka oo halkaas hadal ka jeedisay, ayaa sheegtay inay waajib tahay in gaadiidku qaataan qalabka lagu xaddidayo xawaaraha gaadiidka, ciddii amarkaas u hoggaansami waydana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

“Maanta waxa aannu fulinaynaa oo hubinayaa in awaamiirtii ay sidooda u wada fuleen iyo in gaadiidka shirkadaha kala duwan ee rakaabka lagu wada xidhay qalabka xaddidayo xawaaraha gaadiidka, waxaanna la hubinayaa gaadiidka intay qalabkaas qaateen, haddana iska furay iyo gaadiidka aan weli isku xidhan qalabkan, waxayna mutaysan doonaan ganaax, waayo waqtiga la siiyey oo ku buuxay muddo saddex bilood ah oo hadda dhammaaday, waxayna tani daba socotaa sidii loo yarayn lahaa shilalka khasaaraha ba’an gaysta ee dalka ka dhaca.” Sidaa waxa tidhi Agaasimaha Waaxda Buugaagta iyo liisaamada ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Marwo Ayaan Cabdicasiis Maxamed.

Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Muuse yuusuf oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadayo gaadiidka aan u hoggaansamin muddada loo qabtay, waxaannu yidhi; “Sida aad arkaysaan shaqadu way socotaa oo Boorama-na way ka socotaa, Hargeysa-na way ka socotaa, markaa shirkadda gaadiidka ee muddadii aannu u qabanay ee aanu waraaqaha xarumahooda gaynaynay aan heshiiskii gelin ama qalabkii ka wareegaysanaysay maanta waxa ay Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinku ay ka qaadayaan tallaabo sharciga waafaqsan.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories