HomeCiidanka Illaalada Xeebaha oo Gacanta ku dhigay Tiradii ugu badnayd Doonyo iyo...

Ciidanka Illaalada Xeebaha oo Gacanta ku dhigay Tiradii ugu badnayd Doonyo iyo Baxaari Ajaanib ah oo Sharci-darro ku Guranaya Kheyraadka dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ciidanka ilaalada xeebaha somalilandBERBERA (SLpost)- Ilaallada Xeebaha Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay Doonyo laga leeyahay waddamada Carabta iyo Shaqaalihii la socday, kuwaas oo sifo sharci-darro ah uga kalluumaysanayey xeebaha Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Ilaallada xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Aw Cismaan, ayaa sheegay in hawlgal Ciidamadiisu ka fuliyeen Xeebaha dalka ay ku soo qab-qabteen doonyo tiradoodu dhan tahay 51 iyo shaqaalihii la socday oo si sharci-darro ah uga kalluumaysanayey xeebaha dalka, kuwaas oo laga leeyahay waddamada Masar iyo Yemen.

Doonyaha la qabtay ayaa isugu jira kuwa waaweyn iyo kuwa yaryar oo ah nooca kalluumeysiga.

Taliyuhu waxa uu sheegay inay ciidamadiisu hawl-galladaas ku soo qab-qabteen 51 doonyood oo laga leeyahay dalka Yemen iyo markab laga leeyahay waddanka Masar, kuwaas oo sifo aan sharci ahayn uga kalluumaysanayey inta u dhaxaysa magaalo-xeebeedyada Maydh ee gobolka Sanaag iyo lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal.

Taliyaha Ilaallada Xeebaha Somaliland oo u warramay idaacadda BBC-da, waxa uu sheegay inay sidoo kale gacanta ku dhigeen naakhuudayaal iyo shaqaale la socday doonyaha iyo Markabka oo tiradoodu dhan tahay 257 qof, kuwaas oo wakhtigan lagu hayo magaalada Berbera. Waxaanu intaas ku daray taliyuhu in sida ugu dhakhsaha badan sharci loo horgeyn doono dhammaan dadka hawl-galladan lagu qabtay ee sharci-darrada uga kalluumaysanayey xeebaha dalka.

Kalluumeysatada maxalliga ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka cabanayey maraakiib iyo doonyo shisheeye oo six ad-dhaaf ah u gurta kheyraadka xeebaha dalka.

Hawl-galka ciidamada Ilaalladu ku qab-qabteen doonyaha, ayaa noqonayaa kii ugu ballaadhnaa ee tiro intaas le’eg oo kalluumaysato shisheeye ah lagu qab-qabto iyaga oo sifo aan sharci ahayn u guranaya kheyraadka dalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories