HomeCiidanka Ilaalada Xeebaha Liibiya oo Badbaadiyey 107 Tahriibayaal Soomaali ah iyo Qaar...

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Liibiya oo Badbaadiyey 107 Tahriibayaal Soomaali ah iyo Qaar la la’yahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

TRIPOLI (SLpost)- Ciidamada Badda ee Dalka Liibiya, ayaa shalay Khamiistii bad-baadiyey tahriibayaal Soomaali ah oo ay ku jiraan 20 dumar ah iyo ilme-yar, kuwaas oo Doontii ay saarnaayeen kula cilladawday meel ku dhow Xeebaha dalka Liibiya.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Badda ee Dalka Liibiya, ayaa Wakaaladda Wararka ee AP u xaqiijiyey inay badbaadiyeen 107 Qof Soomaali ah oo doontii ay saarnaayeen ku xumaatay meel soddon KM u jirta Xeebta magaalada Tripoli, ka dib markii ay habeennimadii Khamiis ka goosteen Xeebaha dalka Liibiya.

tahriibayaalKornayl Ayoub Qasim oo ka tirsan Ciidamada Badda ee dalkaas, ayaa sheegay inay isugu jiraan dadka tahriibayaasha ah ee la badbaadiyey rag, dumar iyo Carruur, kuwaas oo doonayay inay u tahriibaan waddamada Yurub.

Sarkaalkani waxa uu war-fidiyeennada u sheegay inay doonta saarnaayeen 114 qof oo Soomaali ah markii ay ka baxaysay Xeebaha Liibiya, balse ay qirteen Tahriibayaashu inay todoba qof oo ka mid ah lagu tuuray badda iyaga oo ka baqanayey inay Doontu la degto.

Dadka la soo badbaadiyey, ayaa dib loogu soo celiyey magaalada Tripoli ee Liibiya, waxaana hadda lagu hayaa goobo lagu hayo dadka Muhaajiriinta ah.

Bishii December ee sannadkii hore ayay ahayd markii sidan oo kale ay Ciidamada Badda ee dalka Liibiya badbaadiyeen 195 tahriibayaal ah oo saarnaa laba doonyood oo ka goostay xeebaha dalkaas una sii jeeday Qaaradda Yurub.

Dalka Liibiya oo muddo labada sanno iyo dheeraad aan weli si rasmi ah u helin xasilooni iyo maamul adag ka dib markii talada dalkaas xoogga lagaga tuuray hoggaamiyahoodii Mucamaral Qaddaafi, ayaa marin u noqday muhaajiriinta dalalkooda ka yaacay ee doonaya inay gaadhaan qaaradda Yurub. Waxaana sannad kasta biyaha u dhexeeya Liibiya iyo Talyaaniga ku geeriyooda Boqolaal qof oo naftooda ku biimeeya safar aanay garanayn inuu si nabad ah ugu dhammaan doono, iyaga oo baadi doonaya nolol ka wanaagsan ta ay dalalkooda ku haystaan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories