HomeCiidanka Dab-demiska Qaranka oo maanta Fuliyey Lix Hawl-gal oo Dagaal Dhexmary Shinni...

Ciidanka Dab-demiska Qaranka oo maanta Fuliyey Lix Hawl-gal oo Dagaal Dhexmary Shinni Guuraysa ka mid yahay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Dab-demiska ee Somaliland, ayaa maanta ka fuliyey gurmadka lix hawl-gal oo kala duwan, kuwaas oo intooda badan ka sameeyeen magaalada Hargeysa gudaheeda.

blankLixda Hawl-gal ee Ciidanka Dab-demisku fuliyeen maanta oo isugu jiray samato-bixin iyo gurmad kale, waxa ay samata-bixiyeen Hooyo iyo wiil yar oo dhaawacyo ka soo gaadheen weerar ay ku soo qaadday Shinni guuraysa oo ku degtay, halka sidoo kalena samata-bixiyeen Carruur ku xannibantahy gurigooda oo dusha lagaga qufulay.

War-qoraal lagu faahfaahiyey hawl-gallada Ciidanka Dab-demisku maanta fuliyeen iyo goobaha ay ka dhaceen, ayaa u qornaa sidan:-

“Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa maanta ka hawlgalay hawlgalo tiro badan oo  ahaa Lix Hawlgal, kuwaas oo ka dhacay Degmooyinka Hargeysa iyo Deg/Wajaale.

Ugu horayn Alle haw Naxariistee Wiil yar ayaa isagoo Dabbaalanaya ku dhintay Balli ku yaalla Koonfurta Magaalada Hargeysa, Ciidanka ayaa Maydka Wiilkaas yar ka soo saaray Balliga iyadoo xubnaha ciidanka Dab-demisku adeegsanayaan xirfada samatabixinta iyo badbaadada. Hawlgalkan ayaa waxaa ka qayb qaatay Xubnaha Taliska Dhexe iyo Xarunta M/Haybe.

blankHawlgalka labaad ayaa ciidanku kaga hawlgaleen Laba Caruura oo Hooyadood guriga dusha kaga xidhay, kadib guriga dab qabsaday iyadoo Caruurtiina guriga hoosta kaga jiraan, Markii yeedhmadaasi soo gaadhay Qolka Hogaaminta , Ciidanka Dab-demisku si degdega ayay uga hawlgaleen waxaanay caruurtaas ka soo samatabixiyeen guriga. Sidoo kale ciidanka ayaa damiyay dab weyn oo ka kacay gurigaas waxaanay ciidanku ku guuleysteen inay dabkaas damiyaan kana xakameeyaan Qolalka inta kale.

Degmada Wajaale ayaa Ciidanka Dab-demiska ee Degmadaasi ka hawlgaleen Booyad Shidaal sidday oo Qallibmantay iyadoo sababtay Gubashada guryo ka agdhwaa goobtaas. Ciidanka ayaa damiyay booyadaas waxaanay ka joojiyeen dabkii inuu ku fido goobtaas waxyeelo intaa ka badana geysto.

blank

Dhanka kale Ciidanka ayaa ka hawlgalay Dab ka dhacay Geerash ku yaalla Degmada Macallin Haaruun ee Hargeysa, dabkaas oo sababay Gubashada Gaadhi noociisu ahaa Vitz, waxaanay Ciidanku damiyeen Dabkaas.

Degmada Gacan-libaax ee Magaalada Hargeysa ayaa iyadana waxaa ka dhacay Shinni guuraysa oo soo weerartay Xaafad ka mida Degmadaas, taas oo waxyeelo soo gaadhsiisay Hooyo guriga joogtay iyo Neef Adhi ah. Ciidanka ayaa shinnidaasna kala kaxeeyay.

Dhinaca kale waxaa iyadana Degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa ciidanku damiyay Dab Qabsaday Guri Jiingada oo ku yaalla Xaafada Cabdi Qalaaf , Dabkan ayaa la damiyay waxaana ka dabkaas ka hawlgalay Ciidanka Xarunta Maxamuud Haybe.

Guud ahaan Ciidanka ayaa maanta ka hawlgalay tirada hawlgaladaas aynu kor ku soo xusnay, waxaana ciidanku markastaba u taaganyahay Badbaadinta Naf iyo Maalka Muwaadiniinta Somaliland, iyadoo Ammin kastaba ciidan weynuhu Heegan ku yahay dhamaan Xarumaha kala duwan ee Ciidanka.

blankGabagabadii wuxuu ciidanku wacyigelin u soo jeedinayaa gaar ahaan Hooyooyinka inaanay Caruurta Guryaha dusha kaga sii xidhin markay ka baxayaan, taasi waxay sababi kartaa khatar ah in hadii dab qabsado guriga caruurtu ay ku naf waayi karaan halkaas. Sidoo kale iyadoo wakhtigan lagu jiro xilli-roobaadkii Dhaamamka iyo Balliyaduna buuxaan in waalidiintu ay caruurtooda ka ilaaliyaan Balliyada.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Xafiiska xidhiidhka warbaahinta ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka.

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories