HomeCiidanka Cirka Soomaaliya ee Turkiga Dib u Dhisayaa Maannu ahayn Ciidankii Xasuuqay...

Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Turkiga Dib u Dhisayaa Maannu ahayn Ciidankii Xasuuqay Dadka Reer Somaliland?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

“Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Turkigu Dhisayo maanu ahayn Ciidankii ku xusnaa Warbixintii Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee la magac baxday “A Government at War with Its Own People”, maanuse ahayn Ciidanka ay ku maqan yihiin in ka badan 50,000 oo qof oo la xasuuqay”

 

Waxaan qoraalkan qorayaa aniga oo jidhiidhico badani igu taagan tahay, aniga oo ay i horyaallaan wixii ku dhacay shacabkayga dhawr iyo labaatan sano, aniga oo ka murugoonaya in bilaash laga soo qaaday wixii ay shacabkaasi u dhinteen, waxaanse filayaa in dad badani ila fahmi doonaan marka ay qoraalkaygan akhriyaan.

 

Sannadku waa 1988, goobtu waa Hargeisa, dawladda dalka Xukuntaana waa Xukuumaddii Kacaanka Soomaaliya ee uu madaxda u ahaa Maxamed Siyaad Barre, waa mid ka mida quwadaha ugu awoodda badan Afrika, waxay leedahay ciidan dhisan oo dhulka, Badda iyo Cirkaba ah, hase ahaatee waxay maalintan qaadday tallaabo gashay baalka madaw ee dawladaha Afrika, Garoonka Diyaaradaha ee Hargeisa waxaa ka duulaya Diyaarado Soomaaliyeed, waxayna duqaynayaan isla magaalada Hargeisa oo ay garoonkeeda ka kaceen, waxay laynayaan shacab barakacaya, waxay burburinayaan dhismayaasha magaalada.

 

Diyaaradahan waxaa dalbanaya Taliyayaal Soomaaliyeed oo qaarkood haatan jooga, oo weliba ay xilal ka hayaan dawladda haatan ka dhisan magaalada Xamar. Ma doonayo inaan ka hadlo tirooyin aan sugnayn, hase ahaatee Warbixinada laga qoray ee ay sugeen hay’adaha xuquuqda aadanaha sida Human Right Watch, waxaa maalmahaas la xasuuqay shacab kor u dhaafay 50,000 oo qof, waxaana badankooda lagu laayay diyaaradaha dagaalka iyo ciidankii xoogga badnaa ee dawladdii Siyaad barre.

 

27 sano oo dhacdadaas laga joogo illaa haatan lagama heshiinin wixii xilligaas dhacay, Dawladda Xamar haatan ka jirtaa waxayba inkirsan tahay wixii dhacay, waxay u arkaan inuu la mid yahay dagaal sokeeyey oo Beledweyn ama Muqdisho ka dhacay, waxay u arkaan ceeb iyo liidnimo qofka yidhaahda Hargeysa ayaa cid lagu dilay, taas bedelkeeda waxay xilligan heegan ugu jiraan wax kasta oo hagardaamo ku ah Somaliland.

 

Kaaga sii darane Ciidanka la tababarayaa waa dhalinyaro, waa rag aan taariikhda wax badan ka ogayn, waa ciyaalkii ku tababartay dagaallada sokeeye ee Xamar ka socda, waxaana hoggaanka u haya isla raggii shalay duqaymaha ka geysanayey Hargeysa, mana ah dad ka gaabsan kara dhiig kale oo ay daadiyaan ciidamadaasi.

 

Waxaan isweydiiyey Tolow Turkigu maanu akhriyin warbixintii hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ee la magac baxday “A Government at War with Its Own People” haddii uu warbixintaas keliya akhiri lahaa waxay uga jawaabi lahayd su’aalo badan oo ku xusan maqaalkaygan.

 

Haddaba, waxaa nasiib darro ah in dawladda Turkigu ay markale ciidankii cirka u dhisayso dawladda Soomaaliya, iyada oo aan weli laga heshiinin hagardaamadii ka dhalatay, waxaa nasiib darro ah in dawladda Turkigu ay qalabayn ku samaynayso ciidankii Cirka iyada oo weli ay sii qoyan yihiin meydadkii ay rusheeyeen diyaaradaasi, waxaa nasiib darro ah in gantaallo iyo diyaarado loo dhiibayo ciidankaas isaga oo weli duullaan ku ah shacabka Somaliland.

 

Waxaa nasiib darro ah in dawladda Turkigu ay tidhaahdo dhexdhexaad ayaan Soomaaliland iyo Soomaaliya u ahay, haddana ay hubayso hal dhinac oo keliya oo weliba ah dhinicii dhibta geystay, waxaa nasiib darro ah inaanay intaas ku joogin ee dhaqaale iyo taageero diplomaasiyadeed ugu dareen.

 

Haddii dawladda Turkigu ay inkirtay taariikhdii soo jireenka ahayd ee ka dhexeysay Somaliland iyo Turkiga ee qarniyada ku sinnayd, haddii ay doorteen saaxiibkooda ay shalay isbarteen, haddii dawladda Turkigu ay u kala hiiliyeen qofkii dulmiga geystay iyo kii dulmanaha ahaa oo ay raaceen kii dulmiga geystay, haddii dawladda Turkigu ay kala raaceen Somaliland iyo Soomaaliya maxaa igu khasbaya inay Hargeysa Qunsuliyad ku yeeshaan oo ay iska dhigaan inay ila jiraan? Maxaa igu khasbaya inaan aqbalo qof xumaantayda ka shaqaynaya, oo u badheedhay inuu taageero walaalkay oo aan dulmi badan ka tirsanayey, maxaa igu khasbaya inaan Erdogan Jeclaado haddii uu doortay inuu Xamar keliya ku xidhnaado, anigana maxaa iga hortaagan inaan Turkiga ku idhaahdo Macasalaama inta aad ka soo laabanaysaan jidka aad qaaddeen.

 

Dareenka Dadkii Diyaaraduhu Xasuuqeen Ehelkooda.

 

Maxamed Daahir Sabriye

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories