HomeCiidanka C.I.D-da Oo Caawa Xaruntooda Uga Yeedhay Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal iyo Sababaha...

Ciidanka C.I.D-da Oo Caawa Xaruntooda Uga Yeedhay Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal iyo Sababaha ka dambeeya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Muse Jaambiir
Muse Jaambiir

Hargeysa (SLpost)- Taliska Ciidanka Dembi-baadhista ee magaalada Hargeysa, ayaa caawa fiidkii xaruntooda ugu yeedhay maamulka sare ee wargeyska, halkaas oo ay wax kaga waydiiyeen warar ku saabsan mawduuca Haamaha shidaalka oo warar la xidhiidha wargeysku ka Qoray.

Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir oo shabakadda Somalilandpost.netwax ka weydiiyey arrintan, ayaa sheegay inay Xarunta Wargeyska yimaaddeen ciidamo ka tirsan Laanta Dambi-baadhista gelinkii hore ee maanta oo aanu isagu ku sugnaynd Xafiiska, balse ay caawa Fiidkii yimaaddeen Xarunta, kuna wargaliyeen in looga baahan yahay Xarunta Ciidanka Dambi-baadhista si wax looga weydiiyo wararkaas Wargeysku Qoray.

“Hadh soo korkii ayaa la ii sheegay in xafiiska Ogaal ay ciidanka C.I.D yimaadeen, kaddib waan la xidhiidhay, waxaanan waydiiyay waxay u socdeen, waxay ii sheegeen inay doonayaan maamulka, markaa ma nasoo mari kartaa ayay igu yidhaahdeen, aniguna waxaan u sheegay in aan u iman doono berri, haddii kale ay galabnimada noogu yimaadaan xafiiska.” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax.

Wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi gudoomiyuhu; “Fiidkii caawa ayaa sarkaal ka socda C.I.D noogu yimi xafiiska, wuxuu sitay warqad yeedhmo ah oo maxkamaddu soo qortay. Markaa anagoo wada joogna ayaa sarkaal ka sareeyay nala soo xidhiidhay, waxaanay naga codsadeen in aanu xafiiskooda u raacno, siday doonayeen baanu u yeelay, markaan tegay xafiiskoodana waxay wax iga waydiiyeen warar wargeysku ka qoray arrimaha wareejinta haamaha iyo kartoonka Carraale Waddani ee wargeyska ku soo baxa, aniguna waxaan ugu jawaabay wixii wargeysku qoray waa intaa aad haysaan.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Ogaal oo arrintan aanu wax ka weydiinnay.

Gudoomiyuhu wuxuu intaa ku daray in arrintoodu baadhis kiis la xidhiidho, isla markaana uu xog ku helay in dacwaddani ka timi dhinaca madaxtooyada oo ay la xidhiidho warar iyo dareenada shacabka ee la xidhiidha mawduuca Haamaha oo uu baahiyay.

Wargeyska Ogaal ayaa todobaadkii hore baahiyey Xogo la xidhiidha in xukuumaddu ku wareejinayso Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera shirkado gaar loo leeyahay oo qaarkood lagu xidhiidhiyey inay iska leeyihiin ama Saamiyo ku leeyihiin masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta Cod Aqlabiyad ah ku hor-joogsaday in Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo shirkado gaar loo leeyahay, ka ddib markii shalay Golahaas laga hor-akhriyey warbixin daboolka ka qaadday Musuq-maasuq ka jira Haamaha iyo maamulkooda oo ay soo diraayeen Guddiga Daba-galka Hantida Qaranka.

Wasiirka Ganacsiga oo isaguna maanta ka hadlay arrintan, ayaa sheegay inuu jiro heshiis qorshihiisu qabyo yahay oo Xukuumaddu ku doonayso inay Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera kaga kirayso isla markaana maamulkooda ku wareejiyo Shirkadaha dalka keena shidaalka oo markii hore laga qaadi jiray khidmadda Haamaha iyo Cashuurta ku waajibtay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories