HomeCiidanka Booliska Somaliland oo War Ka soo saaray Gacan-ku-dhiigle Laba Qof ku...

Ciidanka Booliska Somaliland oo War Ka soo saaray Gacan-ku-dhiigle Laba Qof ku Toogtay Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay gacan-ku-dhiigle laba qof ku toogtay magaalada Hargeysa habeen hore, kaas oo markii uu falka geystay u baxsaday dhinaca dalka Ethiopia.

Gacan-ku-dhiiglaha oo lagu magacaabo Cabdiqani Rashiid Xasan, ayaa toogasho ku dilay Marxuum Cawaale Nuur Bilaal halka uu dhaawac u geystay haweenay la socotay xilli habeenimo ah. Ciidanka Boolisku waxa ay sheegeen in gacan-ku-dhiiglaha oo u baxsaday dhinaca dalka Ethiopia, ay ka daba-tageen Ciidamo ku gaashaaman laba gaadhi, kuwaas oo markii dambe ku soo qabtay tuulo lagu magacaabo Dhoobo-guduud oo ku taalla gudaha Dalka Ethiopia isla markaana xuduudka Somaliland u jirto 50km.

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta taliska ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska Somaliland oo kaashanaya ciidanka ammaanka deegaanka Soomaalida Ethiopia ay gacanta ku soo dhigeen Gacan-ku-dhiiglaha falka geystay.

Warka ka soo baxay ciidanka Booliska oo lagu faahfaahiyey bilowga Hawl-galkii Ciidanka Booliska oo ka baxay magaalada Hargeysa iyo sida ay ugu suurta-gashay inay soo qabtaan gacan-ku-dhiiglaha, ayaa lagu bilaabay sidan:- “Taariikhdu markay ahayd 23/7/2022 Abaaro 2:20 habeenimo waxa magaalada Hargeysa lagu dilay Marxuum la odhan jiray Cawaale Nuur Bilaal sido kalana dhaawac la gaadhsiiyey Haweenay ay wada socdeen Marxumka la dilay, kaas oo u dilkaasi gaystay gacan ku dhiigle Cabdiqani Rashiid Xasan.

Dhacdadaas markii uu ku war helay Boolisku waxay Saacad wax ka yar ku aqoonsadeen gacan ku dhigle Cabdiqani Rashiid Xasan, waxayna boolisku ogaadeen jihada uu u baxsaday iyo deegaanka uu ka soo jeedo.” Sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Ciidanka Booliska.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Saacadu markay ahayd 4 habeenimo isla wakhtigaas Taliyaha Saldhiga New Hargeysa Gaashaanle Baashe Aw Dheer oo wata laba baabuur oo ciidanka boolisku leeyihiin ayaa ka daba shiraacday Jihada Koonfureed oo gacan ku dhiiglihu u baxsaday. isla Saacadu markay ahayd 9 subaxnimo wuxuu gacan ku dhigluhu ka talaabay magaalo xuduudeeda Labi-Sagaale oo Koonfur-bari ka xigta 120 km magaalada Hargeysa.

Intaas ka dib waxa uu Gaashaanle Baashe xidhiidh la sameeyay isagoo adeegsanaaya wada shaqaynta ka dhaxaysa labada ciidan ee Booliska Somaliland iyo booliska dowlada deegaanka, waxa halkaasi lagaga daray labadeeni gadhi ee Ciidanka Booliska JSL wateen gaadhi kale oo uu watay kornayl ciidanka dawlada deegaanka ah, waxayna 50 km u galeen Tuulada Waaba-caddo oo ka tirsan Deegaanka Soomaalida Ethiopia, halkaas oo uu ku shidaal beelay gaadhigii uu watay gacan ku dhiigluhu intaas ka dib si ninka loo raadiyo ciidanku waxa uu bilaabay lug isla shalay 12 saacadood gudahood markuu dilku dhacay waxa lagu qabtay magaalada Dhoobo-guduud oo 50 km ku taala gudaha Ethiopia.

Ciidanka Booliska Somaliland waxa ay u mahad-celiyeen laamaha ammaanka deegaanka Soomaalida Ethiopia oo hawl-galkan kala shaqeeyey, “Waxa mahadda kowaad iska leh Ilaahay oo noo fududeeyay qabashada gacan ku dhiiglaha mahada labaadna waxa leh dadka shacabka ah ee labada dhinac ee sida fiican ula shaqeeyay labada Ciidan. Sido kale waxa aanu u mahad-naqaynaa Ciidankii dawlada deegaanka iyo madaxdodii sida fiican ula shaqaysay Ciidanka Booliska JSL. Ugu dambayen waxaanu Hambalyeynaynaa Ciidankii Booliska iyo Taliyahodii ku soo guulaystay Hawlgalkaasi,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Ciidanka Booliska ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories