HomeCiidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku dhigay Nin Gaadhi Jiidhsiiyey Hooyo Umul...

Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku dhigay Nin Gaadhi Jiidhsiiyey Hooyo Umul Ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay nin darawal ah oo gelinkii hore ee Salaasada maanta galbeedka magaalada Hargeysa ku jiidhay Hooyo Umul ah oo shilkan u geeriyootay.

Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska, eedaysnaha dhacdadan loo haysto oo lagu magaaabo Axmed Ibraahim Muxumed oo 40-jir ah, ayaa ka tirsan Darawallada Gaadiidka Dowladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada u caddaynayaa inuu gacanta ku hayo eedaysane Axmed Ibraahim Muxumed 40jir ah oo saaka ku jiidhay degmada Gacmo-dheere ee Magaalada Hargaysa Hooyo umul ah. Eedaysanaha ayaa kamid ahaa darawallada gaaddiidka ee Dawladda Hoose Hargaysa,” sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska oo intaas ku daray, “Ciidamada Boolisku waxay markiiba ka hawlgaleen oo ay gacanta kusoo dhigay Edeysaneaha iyo gaadhiigaba waxaanay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska. waxaanan sida ugu dhakhsaha badan loo horgayn doonaa sharciga.”

Ugu dambayn, Taliska Ciidanka Booliska Somaliland waxa ay tacsi u direen Ehelkii iyo Qaraabadii Marxuumaddu ka baxday. “Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu murugada la qabsanayaa ehelkii marxuumadaasi ka geeriyootay , waxaanan alle uga baryaynaa inuu naxarisitii janno haka waraabiyo,” ayaa lagu yidhi yidhi war-saxaafadeed kooban oo lagu baahiyey Ciwaanada baraha Bulshada ee Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhacdadan sababtay geerida Haweenaydan, ayaa qabsatay baraha bulshada iyadoo dadweynuhu arrintan si weyn ugu dhaliileen maamulka Dowladda Hoose ee caasimadda, kaddib markii sida la sheegay goobta shilku ka dhacay lagaga tagay meydka hooyada geeriyootay oo darawalka Jiidhay iyo maamulka Dowladda Hoose ee dhacdadan aanay masuuliyad iska saarin meydka marxuummadda.

Eedaysanaha falkan loo haysto, ayaa ka mid ah Shaqaalaha Dowladda ee Hargeysa oo xilligaas ku gudo-jiray Howl-gal bulshadu sharci-darro ku tilmaantay oo xaafadaha caasimadda lagaga ururiyo Adhiga ay dhaqdaan dadka magaalada.

Shaqaalaha dowladda Hoose ayaa soo ururiyah Riyaha Xaafadaha magaalada, waxaanay isugu geeyaan xero ku taalla Dooxaha Hargeysa, halkaas oo Lacago madax-furasho ah lagaga ururiyo dadka Xoolaha Iska leh.

Tallaabada dowladda Hoose kaga ururiso Xoolaha oo lagu tilmaamay qorshe caasimadda lagaga sifeynayo xoolaha si kor loogu qaado bilicda Hargeysa, ayaa isu beddelay xeelad ganacsi oo dadka xoolaha leh madax-furasho lagaga qaado.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories