HomeCiidanka Booliiska Somaliland oo Gacanta ku Dhigay Nin Kufsi iyo Dil u...

Ciidanka Booliiska Somaliland oo Gacanta ku Dhigay Nin Kufsi iyo Dil u kula kacay Gabadh 15-jir ah iyo Askari Tacaddi Geystay oo la Caydhiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa maanta ku guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan nin kufsi iyo dil deegaanka Lughaya ee gobolka Selal ugu geystay gabadh da’deeda 15-jir ahayd.

blankSida ilo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen THT, eedeysanaha ayey Ciidamadu gacanta ku soo dhigeen muddo kooban kaddib markii falku dhacay oo Taliyaha Ciidanka Booliisku Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi amar ku bixiyey hawl-galka lagu soo qabanayo dambiilaha oo ciidamadu ka fuliyeen deegaanka Lughaya.

Dhinaca kale, waxa gebi ahaanba shaqadii uu ciidanka Booliska ka hayey laga joojiyey lagana caydhiyey Askari lagu magacaabo Mahad Cabdi Cismaan oo isagoo tacaddi u geysanaya qof dumar muuqaalkiisa lagu baahiyey baraha bulshada.

Qoraal lagu baahiyey bogga xidhiidhka dadweynaha ee Ciidanka boolisku ku leeyahay Facebook, ayaa lagu sheegay in shaqadii ciidanka laga eryey askari goob fagaare ah tacaddi ugu geystay qof dumar ah.

“Saacado ka hor waxa baraha bulshada la soo geliyey saddex Allifle Mahad Cabdi Cismaan oo gacan u qaaday ruux dumar ah. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa annaga oo ka duulayna in booliisku yahay saaxiibka dadweynaha in la ruqseeyey askarigaa xadgudubka sameeyey, isagoo xidhan sharaftii ciidanka booliiska Somaliland, saacado gudahood. Booliiska Somaliland waa saaxiibka dadweynaha.” Sidaa waxa lagu sheegay qoraalka lagu baahiyey barta Facebook ee Ciidanka Booliska.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories