HomeCiidan Puntland ah iyo maleeshiyo-beeleed lagu ururiyey Tukaraq oo Xalay Saqdii dhexe...

Ciidan Puntland ah iyo maleeshiyo-beeleed lagu ururiyey Tukaraq oo Xalay Saqdii dhexe oodda Jebiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Laascaanood, 13 February, 2012 (SLpost)- Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo maleeshiyo aad u tiro badan oo muddo bil ah lagu ururinayey gudaha tuulada Tukaraq, looguna talo galay in ay qabsadaan Laascaanood, inta ciidanka qaranka Somaliland uu ku mashquulsan yahay Buuhoodle,  ayaa xalayto oodda jebiyey oo iniba meel ka dhacdey.
Ciidankan oo ahaa ku dhowaad 2000 oo askari, isla markaana ay wehelinayeen in ka badan 70 baabuurta dagaalka ah ayaa saddex maalmood ka hor ka soo guurey Tukaraq, waxana ay xoogaa yar u soo durkeen dhanka tuulada Gambadhe oo fadhiisin u ah ciidanka qaranka Somaliland, ciidankaas oo halkaasi dib looga soo raray toddobaadkii tegey.
Ciidamadan huwanta ah ayaa markii Gambadhe agtiisa ay soo gaadheen waxa ay kala degeen labada geesood ee jidka dheer ee laamiga ah, iyada oo kuwa Puntland ay degeen dhanka Woqooyi-bari ee jidka, kuwa kale ee Maleeshiyo-beeleedka ahina ay Laamiga ka degeen Koonfurta.
Haddaba, habeen-badhkii xalay ayaa khal-khal xoog lihi uu ka dhex abuurmay ciidamadaas, ka dib markii ay heleen xog ku saabsan dhaqdhaaqyo milateri oo ciidanka qaranka Somaliland uu ka wado
meel  aad ugu dhow halka ay joogeen, waxana ugu horreeyey oo muska jiidhay ciidan markii hore laga keeney tuulada Kalabaydh oo watey xoogaa Tekniko ah.
Ciidankan ayaa waxa dabada qabsadey dhammaan maleeshiyadii la isu soo ururiyey kuwaas oo gudcurka kala wada xuluushay intii habeenku madoobaa, iyada oo nin waliba uu reerkiisii dhankuu ka xigey foodda saarey.
Nin maleeshiyooyinka baxsadey taliyaha ugu magacawnaa oo la yidhaahdo Garamaan, ayaa weji gabax ku dhacay, waxaana uu isla markiiba degdeg ula hadlay ciidankii Puntland oo keligood meesha lagaga guurey, kuwaasoo iyaguna daqiiqado gudohood kaga urursadey xamaamta, waxaana ay ku waaberiisteen Tukaraq oo ah meesha ay markii hore ka yimaadeen.
Dhacdadan ayaa muran iyo kala shaki saddex-geesood ah ka dhex abuurtey intii markii hore qorshaha colaadeed heshiiska ku ahayd oo kala ah maammulka Puntland, madaxda Khaatumo-seeg iyo madax-dhaqameedka Garaaddada degaanka iyada oo qoloba ay qolada kale ku eedeyneyso dhacdada asiibtay
Arrintan ayaa sababtay ninka haatan maammulka Khaatumo-seeg ugu magacaaban madaxweynaha oo la yidhaahdo Axmed Karaash oo ka soo jeeda degaanka Nugaaleed, in lagu amro inuu degdeg uga boxo Buuhoodle, halkaasi oo uu u tegey in uu madax-dhaqameedka ku beer-laxawsado in ay sii wadaan qorshihii ay saddexda qolo isla wadeen ee dagaalka.
Xubno ay ka mid yihiin Cali Khaliif, madaxweyne Faroole iyo Garaad Jaamac ayaa ilaa saaka khadadka telefoonka ku shirayey, halka la shegey in ninka xukuma Kilika Shanaad oo la yidhaahdo Cabdi Iley uu ka codsadey in ay ugu tagaan Jigjiga, si uu u dhex-dhexaadiyo.
Geesta kalena, saraakiisha ciidanka qaranka Somaliland, ayaa wada diyaargarowgii ugu danbeeyey ee difaac ballaadhan oo ay ka galaan dhammaan xuduudda dheer ee taxan Bariga Sanaag iyo ilaa hawdka.

Xishasho: DAALO NEWS

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories