HomeCiidamo ka tirsan Ilaalada Xeebaha oo tabobar loo xidhay, Agab iyo Doonyo...

Ciidamo ka tirsan Ilaalada Xeebaha oo tabobar loo xidhay, Agab iyo Doonyo lagu wareejiyey iyo Midowga Yurub oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

EUCAP-somalilandHargeysa (SLpost)- Ciidamada Badda Midowga Yurub ee Hawl-gallada ka wada Geeska Afrika iyo Galbeedka Badweynta Hindiya (EUCAP), ayaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil tabaobar muddo laba bilood ah socday oo ay ku qaateen culuumta iyo ilaalinta ammaanka badda ah dorraad ugu soo gebo-gabeeyey soddon sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Ciidamada Midowga Yurub ee Hawl-gallada ammaan ka wada Xeebaha Geeska Afrika, munaasibaddan oo lagu qabtay saldhigga Ilaalada xeebaha Somaliland ee magaalada Berbera, waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan dawladda oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, wakiillo ka socday Midowga Yurub, Saraakiisha tabobarka loo soo gebo-gabeeyey oo ka kala socday magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Maydh, Laasqoray iyo Saylac.

Madaxa EUCAP u qaabilsan Somaliland/Somalia Mr. Pierre-Aimé Riccio oo maalmihii u dambeeyey goob-joog ka ahaa tabobarka saraakiisha, ayaa sidoo kale ka qayb-galay munaasibadda dorrraad tabobarka loogu soo gebo-gabeeyey ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ka tirsan, iyada oo halkaas lagu guddoonsiiyey Ciidanka Agab ay ku hawl-galaan iyo Doonyaha nooca Dheereeya oo loogu talo-galay ilaalinta ammaanka Xeebaha Somaliland.

“Barnaamijka oo bilaabmay badhtamihii bishii August waxa ay ujeeddadiisu ahayd in la siiyo aqoonta aasaasiga ah ee hawl-gallada iyo shaqada ilaalada xeebaha iyo sidoo kale baahiyaadka lagama-maarmaanka u ah sida ugu nabdoon ee loo fuliyo, si Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland awood ugu yeeshaan inay firfircoon uga hortagaan dambiyaha laga geysto Badda iyo Xeebaha, iyagoo kaashanaya saaxibadda gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida qorshaha EUCAP yahay,” sidaas waxa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska EUCAP ee magaalada Nairobi oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyey xarunta Wargeyska Himilo.

Sida war-saxaafadeed lagu sheegay waxa munaasibadda ka hadlay Madaxa barnaamijka tabobarka Midowga Yurub ee Ilaalada Xeebaha Somaliland Marco Hekkens, kaas oo sheegay in horumarka iyo mustaqbalka Ilaalada xeebaha Somaliland ku xidhan tahay saraakiisha da’ yare e tabobarka loo gebo-gabo-gabeeyey.

Taliyaha Ciidanka Badda Somaliand Admiral Axmed Cismaan Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa uga mahad-celiyey EUCAP Nester tabobarka aqooneed iyo agabka ay ku taageereen Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxaanu ballan-qaaday inay ciidan ahaan dhinacooda ka soo bixi doonaan waajibaadka saaran.

Madaxa Xafiiska Xidhiidhinta hawl-gallada lagu dagaalamo budhcad-badeedda ee Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland, Maxamed Cismaan Axmed oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa tabobarka iyo agabka lagu taageeray Ilaalada Xeebaha Somaliland ku tilmaamay mid ku soo beegmay wakhti loo baahnaa, waxaanu rejo ka muujiyey in ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Somaliland oo taageero ka helaya kuwa dhiggooda Yurub ay awood u yeelan doonaan dhammaan sannadka 2016-ka inay daboolaan baahida loo qabo ilaalinta ammaanka xeebaha iyo biyaha badda ee Somaliland.

Gunaanadkii munaasibadda, waxa halkaas Ciidanka Ilaalada Xeebaha lagu wareejiyey Agab loogu talo-galay ilaalinta Ammaanka Xeebaha, kuwaas oo ay ku jiraan Doonyaha Nooca Dheereeya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories