HomeCiidamo Itoobiyaan Ah Oo Kisamaayo Gaadhay Lana Wareegay Goobaha Muhiimka Ah

Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Kisamaayo Gaadhay Lana Wareegay Goobaha Muhiimka Ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kismaayo(SLpost)-Ciidamo gaadhaya ilaa 250 askari oo hordhac ah oo ka socda dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa soo gaadhay magaalada Kismaayo.

Ciidamada Itoobiyaanka ee la geeyey magaalada Kismaayo ayaa qeyb ka ah ku dhowaad kun askari oo baddali doona ciidamadii Siralyoon ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM eek a baxay Soomaaliya sida ay ilo xogogaal ah u sheegeen idaacadda VOA.

Ciidamadii Siralyoon ayaa Soomaaliya isaga baxay bishii Janaayo ee sanadkii 2015 sababo la xidhiidhay xaalad dhanka caafimaadka ah oo xiligaasi ka jirtay dalkaasi oo ka mid ahaa waddamada Galbeedka Afrika ee uu ka jiray cudurka Ebola oo suurtogelin waayey in la beddelo ciidanka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa VOA u xaqiijiyay in 250 askari ee yimid ay ku jiraan saraakiisha hogaamin doonta Ciidamada Itoobiyaanka ee AMISOM ee magaalada Kismaayo.

Sidoo kale masuulyiinta ayaa intaasi ku daray in ciidamada Itoobiyaanka, kuwa Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay dhowaan qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee maamusha, degmooyinka, Jilib, Jamaame, Xagar, Bu’aale iyo deegaano kale sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa fadhiisimo ka samaystay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, dekadda iyo waqooyiga magaalada halkaasoo markii hore saldhigyo ciidan ku lahaayeen ciidamada Kenya iyo kuwa Wadanka Siralyoon.

Sidoo kale dekadda magaalada Kismaayo waxaa ku soo xirtay markab sida gaadiid iyo hub ay lee yihiin Ciidamada Itoobiya ee gaadhay magaalada Kismaayo.Dalka Soomaaliya waxaa jooga ciidamo AMISOM ah oo ka kala socda waddamada Yuganda, Burundi, Jabuuti iyo Itoobiya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee xilkiisu ka dhammaaday Nick Kay ayaa VOA u sheegay in dabayaaqada sannadkan dib u eegis lagu samayn doono hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana uu ku baaqayaa in si weyn diradda loo saaro dhammaystirka dhismaha ciidan Soomaaliyeed.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories