HomeCiidamo Boolis ah oo la wareegay gebi-gahaanba Xaruntii Guud ee Xawaaladda JUBBA...

Ciidamo Boolis ah oo la wareegay gebi-gahaanba Xaruntii Guud ee Xawaaladda JUBBA EXPRESS ee Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

juba-expressHargeysa (SLpost)- Ciidamada sida gaarka ah ugu tabobaran hawl-gallada Gaarka ah ee RRU-da, ayaa maanta la wareegay guud ahaanba xaruntii Xawaalada lacagta ee Jubba Express ee badhtamaha Faras-magaalaha Caasimadda Hargeysa.

Sida ay noo sheegeen dad goob-joogayaal ah oo ku sugan agagaarka xarunta, Ciidamo boolis ah oo ku gaashaaman gaadiidka ciidamada, ayaa la wareegay gacan ku haynta xarunta xawaaladda, kuwaas oo lagu daadiyey waddooyinka dhinacyada ka mara xarunta, kuwaas oo qaarkood gudaha u galeen xawaalada.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in dhamaanba waddooyinka soo gala xawaalada ay xidheen, ilaa hada lama garanaayo ujeeddada rasmiga ah ee ay ciidamada RRU-du ula wareegeen gacan ku haynta xawaaladaasi.

Xarunta Xawaaladda Jubba Express ayaa ku taala Agagaarka Xarunta Suuq-geynta ee TELESOM, gaar ahaan dhismaha Jirde Aw-Xuseen oo ka soo horjeeda Mac-macaanlaha Caanka ah ee CADDAANI CAFERTERIA, badhtamaha suuqa Caasimadda Hargeysa.

Xukuumadda iyo Ciidamada Ammaanka wali kama hadal ujeeddada hawl-galkan ka dambeysay. Sidoo kale, Masuuliyiinta Shirkadda JUBBA EXPRESS qaarkood oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu dhacdadan wax uga weydiinno, ayaan oo suurto-galin inaanu khadka telefonka ku helno.

Xawaalada Jubba oo immika shaqaynaysay muddo ku siman saddex sanno ah, kadib markii ay hawada ka baxday xawaaladii lacagta ee Qaran Express oo markii dambe dadwayne badani sheegeen inay lacag faro badan kala kacday, waxaana la sheegaa in dad badan oo Saamiyo ku lahaa xawaaladdaasi ay horseed ka ahaayeen in xawaaladda Jubba Express xafiisyo ku yeelato Somaliland, isla markaana ballaadhiyo hawlaha xawilaadda Lacagta oo muddooyinkii kaalmaha hore kaga jirtay Adeegga Xawilaadaha lacagta ee gudaha Somaliland.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories