HomeCiidamo boolis ah oo Ay Dabada Ka Riixayaan Kal-Kaaliyayaal Maxkamadda Hargeysa Ka...

Ciidamo boolis ah oo Ay Dabada Ka Riixayaan Kal-Kaaliyayaal Maxkamadda Hargeysa Ka Hawlgala Oo Xoog Ku Galay Xarunta Wargeyska Haatuf

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa  (SLpost) – Ciidan iskugu jira CID-da oo wata askar Bilays ah, isla markaana ay ku lamaan yihiin Koox Kal-kaaliyayaal ah oo ka hawlgala Maxkamadda Hargeysa oo uu u horkacayo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dambi baadhista oo magaciisa la yidhaahdo Cali Aadan (Cali Qodaal) ayaa Maanta galinkii hore Weerar kadis ah ku soo qaaday Xurunta Wargeyska Haatuf ee Xaafadda Shacabka ee Magaaladda Hargeysa.

haatufSidoo kale Kooxda Kal-kaaliyayaasha ah ee Ciidanka Xarunta Wargeyska Haatuf gala-lafay ayaa waxa hogoominayey  Maxamed Maxamuud Xirsi (Gura Xirsi) oo ka mid ah Kal-kaaliyayaasha ku ka hawl-gala  Maxkamadda Hargeysa, kaas oo isagu baabuurkii ay Ciidanku wateen kaga gabanayey dadka iyo Suxufiyiinta goobtaas iskugu soo baxday, isla markaana ay cadho badani wajigiisa ka muuqato.

Ciidankan iyo Kalkaaliyayaashan isku soo xulufaystey Weerarkaas ayaa iyaga oo aan wax Waaran qabasho amabaXayiraad ah midna Maxkamadda ka sidanin khasab ku soo galay xarunta Wargeyska Haatuf, kuwaas oo halkaas gacanta ku saaray Suxufi ka hawlgala Jariidada oo magaciisa la yidhaahdo C/laahi Xasan Budul, kaas oo ay markii hore khasab inay ku kaxeeyaan ay isku dayeen ka dibna markii uu waydiiyey sababt loo kaxaynayo iyo waxay ka rabaan ayaa Cali Qodaal oo Ciidankaas hogaaminayey uu ku wargaliyey in xarunta CID-da loogu sheegi doono waxa laga doonayo iyo sababta loogu kaxaynayo Waaran la’aan.

Sidoo kale Ciidanka galay saaka Xarunta Wargayska Haatuf ayaa markii hore isku dayey inay khasab ku kaxeeyaan Suxufigaas oo aan ahayn Tafatire iyo Guddoomiye midna balse isagu ah Reporter goobtaas ay kula kulmeen ka dibna markii ay isku dayeen inay kaxeeyaan ayaa waxa goobtaas ku soo gaadhay dadwayne buuqa ku soo baydhay iyo Suxufiyiin kale oo Ciidankii u sheegay inay talaabada ay qaadayaan ay sharciga baal-marsan tahay, isla markaana ka codsaday inay sharciga u soo maraan hawlgalkooda.

haatuf2Dhinaca kale inkasta oo aanay Ciidanka xooga ku galay Xarunta Wargeysku iyo Kal-kaaliyayaashoodu aanay sheegin sababta ay hawlgalkaas sharciga baalmarsan u qaadayaan ayaa hadana dhacdadaas lala xidhiidhinayaa inay ka danbaysay Maqaal uu Maanta oo Isniin ah uu Wargeysku ka qoray Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa Faysal C/llaahi Ismaaciil (Faysal Dhaga-Dhago), Warbixintaas oo ay Jariidada Haatuf ku Faalaysay dhaqamada iyo hawlaha shaqo ee Garsoorahaas oo inta badan sharciga baalmarsan.

SOMALILANDPOSTNET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories