HomeCiidammada Qaranka Somaliland Oo Maxaabiis Argagixiso Ku jirto Ku Qabtay Dagaalka Laascaanood

Ciidammada Qaranka Somaliland Oo Maxaabiis Argagixiso Ku jirto Ku Qabtay Dagaalka Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa ka warbixiyey dagaal subaxnimadii saaka magaalada Laascaanood ku dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo ciidamo huwan ah oo maalmihii u dambeeyey lagu ururinayey caasimadda Gobolka Sool.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranku ay dagaalka saaka ku qab-qabteen maxaabiis isugu jira maleeshiyo-beeleed deegaanka u dhashay, xubno ka tirsan Kooxaha Xag-jirka ah iyo Askar ka mid ah Ciidamada PSF ee maamul-goboleedka Puntland.

“Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku jira iska difaacidda weerarada kaga imanaya  kooxaha Argagixisadu waxa ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo iskugu jira argagixiso, ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka Puntland iyo dad deegaanka ah oo la soo qalday,” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka.

Warku waxa uu intaas ku daray in Ciidamada Qaranka Somaliland ay xorriyaddooda u celiyeen Maxaabiis u dhashay deegaanka oo dagaalka ku dhaawacmay, kuwaas oo lagu wareejiyey eheladooda.

“Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland  waxa ay siidaysay maxaabiistii u dhalatay deegaanka kuna dhawacmay dagaalka ka socda Laascaanood oo eheladoodii lagu wareejiyay. Ciidanka Qaranka  JSL waxa ku suntan yihiin Geesinimo iyo Daacad.”

Waxa Xusid mudan In Ciidanka PSF oo ka hawl-gala gobolka Bari ee Maamul-goboleedka Puntland, ayaa loo sameeyey la-dagaalkanka kooxaha Xag-jirka ah, waxaana tabobar iyo hubka siiya Ciidamada Maraykanka.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo bilaabmay shalay gelinkii hore, ayaa sababay Dhimasho iyo Dhaawac soo gala gaadhay Ciidammada Qaranka iyo Ciidamada Huwanta ah ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories