HomeCiidammada Ethiopia oo Qirtay inay soo rideen Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya...

Ciidammada Ethiopia oo Qirtay inay soo rideen Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya oo ku burburtay Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Nairobi (SLpost)- Ciidammada Dawladda Federaalka Itoobiya ka jooga Dalka Soomaalya ee qaybta ah hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM , ayaa qirtay inay soo rideen diyaarad Toddobaadkii hore ku dhacday degmada Bardaale ee dalka Soomaaliya.

blank
Nooca diyaaradda la soo riday oo ay lahayd African Express

Diyaaradda oo ay lahayd Shirkadda African Express oo laga leeyahay dalka Kenya, ayaa waxa ku dhintay Lix Qof oo laba ka mid ahi Soomaali ahaayeen, waxayna Deegaanka Bardaale u sidday Agab Caafimaad oo ay ku jiraan waxyaabaha lagaga hor-tago Xanuunka Covid-19.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa dalka Kenya, war-bixin hor-dhac ah oo ay soo saareen Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay inay diyaaradda soo rideen Ciidammada Itoobiya, kuwaasi oo ka shakiyey in diyaaraddu tahay mid isku miidaaminaysa Saldhiggooda Baadheere, sidaasi darteedna ay u toogteen.

War-bixinta ayaa lagu sheegay in diyaaraddu intii aan la toogan aan laga haynin wax macluumaad ah oo sheegaya inay ku soo waajahan tahay Bardaale, taasina tahay sababta keentay cabsida in Ciidammada oo falal Argagixso ka baqayaa Toogtaan.

“Diyaaradda waxa toogtay Ciidammadayada…” ayay sheegeen Ciidammada Itoobiya ee qaybta ka ah Hawl-galka AMISOM, waxayna ku sababeeyeen inay uga shakiyeen inay Saldhiggooda isku miidaaminayso.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Embraer 120/5Y-AXO oo ay Far-samaysay shirkadda Embraer oo dalka Brazil laga leeyahay, waxay ahayd diyaaradaha Xamuulka Qaada oo ay iska leedahay shirkadda African Express.

AMISOM ayaa sheegtay in Burburka diyaaradda laga soo saaray Meydadka saddex Qof oo Kenyaan ah iyo laba Soomaali.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories