HomeCiidammada Booliska Somaliland oo Waaran Maxkamadeed la raadinaya Murashaxiin Komishanku ansixiyey

Ciidammada Booliska Somaliland oo Waaran Maxkamadeed la raadinaya Murashaxiin Komishanku ansixiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa shaaciyey Magacyada Laba Musharrax oo ka sharraxan Xisbiyada WADDANI iyo UCID, kuwaasi oo lagu eedeeyay in markii ay isa soo sharraxayeen adeegsadeen shahaadooyin been abuur ah.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Ciidammada Booliska Shalay, ayaa lagu sheegay in Ciidammadu ay Bulshada u caddaynayaan inay ku raad-joogaan laba Musharrax oo Magacyadoodu kala yihiin Kubrra Xasan Maxamuud oo Gobolka Togdheer uga sharraxan Xisbiga WADDANI iyo Canab Cabdi Aw Xirsi oo Xisbiga UCID uga sharraxan Gobolka Sool.

blankSidoo kale, Warka Booliska ayaa lagu sheegay in Maxkamad la soo taagi doono labada Musharraxa ee Dumarka ah iyo Musharrax kale oo Magaciisu yahay Qaasim, kaasi oo ku xidhan Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, kaasi oo laftiisa lagu eedeeyay inuu shahaado been-abuur ah u isticmaalay Sharciyeynta Musharraxnimadiisa.
Warka qoraalka ah ee Ciidammada Booliska Somaliland oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Ciidamadda Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxay Bulshadda u caddaynayaan arrimahan hoos ku qoran:- waxaa ka soo baxay Tartamayaasha Doorashada u taagan qaarkood fal-danbiyeedyo iyo Eedo Booliska soo gaadhay Afartankii maalmood ee u dambeeyay, waxaana Eedahaas ka mid ah; In Murashixiinta qaarkood ay sitaan Shahaadooyin Foojari ah oo ay u samaysteen sifo sharciga baal marsan iyo arrimo kale, Taasi oo markii uu Boolisku baadhis qoto-dheer ku sameeyay ay u cadaatay in Sharciga lagu gefay oo ay dembiyo dhaceen foojirina ay sameeyeen xubnaha eedaysanayaasha ahi sida ku cad qodobada sharciga ah ee kala ah 371,373,iyo 375 Ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Baadhis dheer ka dib waxa ay Boolisku Xeer Ilaalinta iyo Maxakamadaha Dalka hor geeyeen caddaymo ku filan in dambiyadaasi kor ku xusani dhaceen, taas oo qayb ka mida ah garnaqsighoogu uu dhamaad ku dhaw yahay oo uu Maxkamadaha Dalka ka socdo, dacwadaha qaybo ka mid ahina ay imika bilow yahiin, sida Eeda Dacwada loo haysto Murashaxa magaciisa la yidhaa Qaasim Cali Odowaa oo sedexdii cisho ee u dambeeyay ku xidhan saldhiga dhexe Ee Magaalada Hargeysa.
Maxkamada iyo Xeer ilaalinta waxaanu hor gayn doonaa caddaymo ku filan fal-dambiyeedka loo haysto murashaxaas.

Dhamaan muwaadiniinta xidhan waxa uu Boolisku Xadhigooda u maray sifo Sharci ah oo loo maray Waaran Maxkamadeed.

Waxaa wanaagsanaan lahayd in dadka leh khalad ayaa cid lagu xidhay ay ka war-sugaan Natiijada Maxkamada, ama ay ka qayb galaan Dhagaysiga Garnaqsiga Maxkamada oo cid kasta u furan inay dhegaysato.

Waxa kale oo aanu Shacbiga reer Somaliland u caddaynaynaa in Boolisku uu ku daba-jiro Eedaysanayaal kale oo ay ka mid yihiin;
1. Murashaxad Kubrra Xasan Maxamuud oo Xisbiga Waddani uga sharraxan Gobolka Togdheer.
2. Murashaxad Canab Cabdi Aw Xirsi oo Xisbiga UCID uga sharaxan Gobalka Sool,
Labadaas Xubnood oo Boolisku u hayo Waaran Maxkamadeed waxaanu faraynaa kuna adkaynaynaa in ay Hay’addaha Amniga u tagaan oo ay iska difaacaan Eedaha loo haysto, haddiise ay u tagi wayaan sifo Sharciga Waafaqsan ayuu Boolisku usoo qaban doonaa si loogu oogo Eedaha Dembi ee loo haysto oo Maxkamada loo hor geeyo.

Waxa kale oo aanu Bulshada reer Somaliland la socod siinaynaa in Boolisku uu ku daba-jiro baadhisna uu ku wado Eedaysanayaal kale oo marka baadhistooda la soo afjaro uu Boolisku u gudbin doono Xeer Ilaalinta Qaranka iyo Maxkamada Dalka.

Boolisku waxa uu u marayaa Sifo Sharci ah cid kasta oo lagu soo eedeeyo inay Fal-dambiyeed ku kacdo Xilka uu doono ha hayo, ama Xisbiga uu doono haka tirsanaadee. Cidii Boolisku u helo caddayn buuxdana waxaanu u gudbin doonaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadaha Awwooda u leh.

Baadhista uu Boolisku imika gacanta ku hayaa waxay la xidhiidhaa Fal-dambiyeedyo Foojari ah oo ay ku kaceen qaar ka mid Tartamayaasha qaarkood ee u sharraxan Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ee Dalka ka dhici doonta 31 May 2021.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories