HomeCiidamada Turkiga Oo Ciraaq Galay iyo Rabshado Lagu Diidan Yahay Xisbiga Kurdiga...

Ciidamada Turkiga Oo Ciraaq Galay iyo Rabshado Lagu Diidan Yahay Xisbiga Kurdiga Taageera Oo Dalkaas Ka Abuurmay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Turky(SLpost)-Miltariga Turkiga ayaa dhinaca dhulka ku galay waqooyiga Ciraaq Talaadadii shalay, markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2011kii, iyagoo fulinayay howlgal ay saraakiisha Turkigu ku tilmaameen, howlgal muddo kooban soconaya oo ay ku ugaarsanayaan falaagada Kurdiyiinta ee PKK.

Turkiga ayaa ku eedeeyay falaagadan inay ka dambeysay weeraro bambaanooyin wadada dhinaceeda la dhigay loo adeegsaday oo Axaddii iyo Talaadadii shalay ay ku dhinteen 16 ka mid ah milatariga dalkaas iyo 14 boolis ah

Iyagoo aan faahfaahin badan bixin ayaa saraakiisha Turkigu waxey sheegeen in ciidamadoodu ay guaha u galeen Ciraaq iyagoo baacsanaya xubno ka tirsan xisbigan oo Turkiga laga mamnuucay.

Jabhadda PKK ayaa dagaal kula jirtay Turkiga tan iyo sanadkii 1984tii, waxaana colaadda labada dhinac ku dhintay tan iyo markaa -dad lagu qiyaasayo 40 kun oo qof.

150908231323_ankara_624x351_afp_nocredit 7AF9C6A4-E832-40C7-8138-7B1ADE3BA8D0_cx0_cy6_cw0_w443_h249

Dhanka kale Boqollal qof oo ruxaya calanka Turkiga ayaa waxa ay weerar ku qaadeen xarunta xisbiga HDP ee taageera kurdiyiinta.

Dhismaha oo ku yaalla caasiamdda dalkaasi ee Ankara ayaa dab la qabadsiiyay.

Xisbiga waxa ay sheegayaan in xarumahooda kale ee qeyba kaloo dalkaasi ku yaalla la weeraray.Magaalada Istanbul na, dhismaha uu ku yaalla xafiiska wargeyska Xuriyat ayaa markii labaad isbuucan la weeraray.

Qalalaasahan waxa uu daba socdaa isku dhacyada u dhexeeya ciidamada amniga iyo dhaqdhaqaaqa la mamnuucay ee kurdiyiinta ee PKK oo sare u kacay.Ra’iisul wasaaraha, Ahmet Davutoglu waxa uu cambaareeyay warbaahinta sida ay uga warrantay iyo xisbiyada siyaasadda, wuxuuna ku baaqay in la isdejiyo.Ugu yaraan 14 askeri ayaa Turkiga uga dhimatay weerar talaadadii dalkaasi ka dhacay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories