HomeCiidamada RRU-da oo Weerar ku Qaaday Guriga Wasiir ku-xigeenkii hore Amniga iyo...

Ciidamada RRU-da oo Weerar ku Qaaday Guriga Wasiir ku-xigeenkii hore Amniga iyo khasaare ka dhashay iska Caabbin ay kala kulmeen Ilaalada guriga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada RRU-da oo loogu talo-galay la-dagalaanka iyo ka-hortagga hawl-gallada Kooxaha Argagixisada ah, ayaa caawa weerar ku qaaday Guri uu magaalada Hargeysa ka deggen yahay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan oo madaxweyne Siilaanyo dhowaan xilka ka qaaday.

news1Ciidamada RRU-da oo ku hubaysan baabuurta gaashaamaan iyo qalabka loogu talo-galay la-dagaalanka Argagixisada, ayaa caawa abbaaro 12:00 habeenimo duullaan ku qaaday Guriga Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor oo ku yaala Xaafadda Jigjiga-yar, gaar ahaan agagaarka Hotel Maansoor ee Galbeedka Caasimadda, waxaanay halkaas isaga hor-yimaaddeen Ilaalada Wasiirkii Hore oo ay rasaas is-weydaarsadeen isla markaana u ka horjoogsaday Ciidanka RRU-da oo isku doonayey inay u daataan guriga si ay u soo qabtaan Cabdilaahi Abokor oo maalinimadii Khamiista warbaahinta ka sheegay hadal ka nixiyey Xukuumadda Siilaanyo.

Dhawaqa Rasaasta ay is-weydaarsadeen Askarta RRU-da iyo ilaalada Guriga oo laga maqlayey meelo badan oo magaalada ah isla markaana in muddo socotay, ayaa hurdada ka kicisay isla markaana argagax iyo amakaag ku abuuray shacabka ku dhaqan xaafadda uu gurigu ku yaallo oo wax masaafo aan sidaa u sii fogeyn u jirta Guriga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi.

“Annaga oo iska hurudna ayuunbaanu mar kaliya ku toosnay rasaas dushayada ka socota. Naxdiintii ayaan kor u booday. Rasaas laga ridayo qoryo waaweyn ayaa in woxoogaa ah socotay, dabadeed markii dambe way yar is-taagtay, markaasaan albaabka dibadda furay. Markii aan bannaanka u baxay, ayaan arkay ciidan iyo baabuur meesha taagan. Haddana rasaas kale ayaa dhacday, rasaasta waxa laga soo ridayey guriga Wasiirkii maalintii dhawayd xilka laga qaaday ee Arrimaha Gudaha (Cabdilaahi Abokor),” sidaa waxa khadka telefonka ugu sheegay Somalilandpost, wiil dhalinyaro ah oo deggen agagaarka Guriga Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga.

Wararka ay Somaliladpost soo gaadhaya, ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay rasaasta ay is-weydaarsadeen Ciidamada RRU-da iyo Ilaalada Guriga Cabdilaahi Abokor, haseyeeshee ilaa immika lama xaqiijin baaxadda uu le’eg yahay iyo tirada dadka wax ku noqday is-rasaasayntaas wakhtiga oo xilli dambe ah awgeed.

Ciidamada RRU-da ayaa ilaa immika Xeeran guriga ay weerarka ku qaadeen, halka Cabdilaahi Abokor iyo Ilaaladdiisuna ku jiraan guriga, ilaa immikana lama garanayo labada dhinac khasaare soo kala gaadhay.

Weerarka caawa lagu qaaday Wasiirkii hore Amniga ayaa daba-socda hadallo uu dhowaan saxaafadda ka sheegay inay xukuumadda ku jiraan Xubno wasiirro ah oo xidhiidh la leh kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Cabdilaahi Abokor oo ka tirsan xisbiga Kulmiye isla markaana taabacsan garabka Muuse Biixi, ayaa hadal uu maalinimadii Khamiis ka sheegay warbaabhinta, waxa uu hanjabaad ugu jeediyey Xukuumadda Siilaanyo.

HALKAN KA DAAWO HADALKA UU KHAMIISTII WARBAAHINTA KA SHEEGAY CADBILAAHI ABOKOR

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories