HomeCiidamada Qaranka Somaliland Oo Fashiliyey Weerarro Lagu Soo qaaday Fadhiisimada Laascaanood

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Fashiliyey Weerarro Lagu Soo qaaday Fadhiisimada Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa iska difaacay  weerar qorsheysan oo subaxnimadii hore ee Saaka ay ku soo qaadeen “Kooxo argagixiso ah”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo isaga iyo xubno kale oo wasiirro ah ku sugan yihiin Laascaanood, ayaa sheegay sheegay in jihooyin kala duwan kooxaha argagixisada ahi weerarrada kaga qaadeen fadhiisamada ciidamada Qaranka ee magaalada Laascaanood.

Wasiirku waxa uu sheegay in Ciidamada Qaranka Somaliland jawaab adag ka bixiyeen weerarkaas isla markaana ay gaadhsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isagoo dhanka kale xusay in khasaare dhimasho soo gaadheen ciidanka qaranka.

Wasiirka ayaa baaq u diray bulshada kuna baraarujiyey inay ilaashadaan nabadgalyadooda isla markaana meel uga soo wada jeedsadaan cid kasta oo khalkhal iyo burbur galinaysa magaalada Laascaanood.

Maalmihii u dambeeyey waxa magaalada Laascaanood ka socday Shir ay isugu yimaaddeen Garaaddada gobollada Buuhoodle iyo Sool, kuwaas oo xukuumaddu u oggolaatay inay magaalada soo galaan Garaaddada qaarkood oo muddo 15 sanno ah ka maqnaa magaaladas, waxaanay xukuumaddu tallaabada u samaysay kaddib markii Garaaddada qaarkood iclaamiyeen dagaal ka dhan dowladda Somaliland.

Isniinta Saaka ayaa laga war-sugayey go’aamo ka soo baxa Shirka oo muddo toddobaad ah ka socday magaalada Laascaanood, haseyeeshee, waxa go’aamada shirka ka soo horeeeyey weerarka ay subaxnimadii hore ee Saaka ku soo qaadeen malleeshiyaad ay xukuumaddu ku tilmaantay inay yihiin argagixiso maalmihii u dambeeyey si is-daba joog ah u soo galayey magaalada iyo ciidan-beeleedyo ay wateen Garaaddada shirku uga socday magaalada oo qaarkood lagu tilmaamay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagixisada ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories