HomeCiidamada Qaranka Somaliland oo Dabbaal-degga Sannad-guuradooda 19aad loogu Wanqalay Derejooyinka loo Xidhay...

Ciidamada Qaranka Somaliland oo Dabbaal-degga Sannad-guuradooda 19aad loogu Wanqalay Derejooyinka loo Xidhay Saraakiisha Sar-Sare

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Qaranka Somaliland oo maanta ay ku beegan tahay sannad-guuradoodii 19aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay, ayaa markii u horreysay loo sameeyey derejooyin loo xidhay Saraakiisha u sarreysay ee ciidamada Kala Duwan ee Dalka.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (10)Saraakiisha maanta loo xidhay derejooyinka oo isugu jira ciidamada Asluubta, Booliska iyo Milatariga, ayaa munaasibad ballaadhan oo maanta lagu xusayey sannad-guurada ciidamada Milatariga oo sannad walba la qabto 2-da February, waxa kala soo qayb-galay madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo derejooyinka ku taxay saraakiisha ciidamada kala duwan.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (11)Munaasabadda Xuskaasi oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee magaaladda Hargaysa ayaa waxa kale oo ka soo qayb galay sadexda Gole Qaran, taliyayaasha Ciidamadda Somaliland, saraakiisha sarsare ee Ciidamada , mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (9)Madaxweynaha Somaliland ayaa munaasabadas gudaheeda waxuu markii ugu horaysay tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii uu halkaa derejada sarkaalnimada oo kala heer ah ugu xidhay 12 sarkaal oo ka kala tirsan Afarta nooc ee ciidamada ee kala ah Ciidanka qaranka , Ciidanka Booliska Somaliland, Ciidanka asluubta iyo Ciidanka ilaalada Xeebaha.

1)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) ayaa laga dhigay DerejadaSarreeye Gaas 

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (8)
Taliyaha Ciidanka Milatariga

2)- Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa laga dhigay derejada Sarreeye Guuto.

Taliyaha Ciidanka Booliska
Taliyaha Ciidanka Booliska

3)- Taliyaha Ciidanka asluubta Maxamed Xuseen (Xiirane) ayaa laga siiyey Derejada Sarreeye Guuto.

Taliyaha Ciidanka Asluubta
Taliyaha Ciidanka Asluubta

4)-Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Axmed Cismaan Xasan ayaa laga Siiyey Derejada Sarreeye Guuto.

Taliyaha Ilaalada Xeebaha
Taliyaha Ilaalada Xeebaha

5)-Abaanduulayaasha koowaad iyo labaad ee Ciidanka Qaranka iyo taliyeyaal ku xigeenadda koobaad iyo labaad ee ciidanka Booliska Somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Sareeye guuto.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (1)6)- Taliyayaal ku xigeenada koowaad iyo labaad ee ciidanka asluubta Somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Gaashaanle sare.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (5)Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo munaasabaadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ilaahay ugu mahad-naqayo in xukuumadiisu noqoto tii ugu horaysay Somaliland ee bixisa derejooyinka ciidamada, isagoo ku tilmaamay ciidamadu inay yihiin tiir dhexaadka uu qaran leeyahay, loona baahan yahay in mar kasta ay dhiirrigelin ka helaan dawlad iyo shacabba.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (6)Xuska Ciidamada_Derejooyinka (2)Xuska Ciidamada_Derejooyinka (11)SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories