HomeCiidamada NATO Ee Ilaalada Xeebaha Somaaliya oo Soo Furtay Doon La Afduubay

Ciidamada NATO Ee Ilaalada Xeebaha Somaaliya oo Soo Furtay Doon La Afduubay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Isbahaysiga Ciidamada NATO iyo kuwa EU ee la dagaalama budhcad-badeedda Soomaalida, ayaa 13kii August, laba doonyood ka soo furtay xeebaha Somaaliya.

Markabka dagaalka ee HNLMS Rotterdam(Holland) oo kaashanaya markabka FGS Sachen (Italy) ayaa si nabadgelyo u soo furtay dhammaan shaqaalahii doon laga qafaashay badweynta. Isla markaa, waxaa gacanta lagu dhigay Budhcad-badeeddii oo tiradoodu dhan tahay 6 qof iyaga oo loo taxaabay dhinaca magaalda Rotterdam ee dalka Holland si loo maxkamadeeyo.

blankDhacdadan waxaa ka horreeyay waxaa ay soo jiitamaysay muddo saddex maalmood ah.  10kii August, Ilaalada Xeebaha EU NAVFOR ee dalka Spain oo kaashanaya dayuuradaha gaafwareega ee (MPRA) waxaa ay soo arkeen doon ku sugan xeebaha dalka Cumaan taas oo hore looga soo afduubay xeebaha Boosaaso, Waqooyi Bari ee Somaaliya, Doonta waxaa loo tirinayay in ay gacanta u gashay budhcad-badeedda.

Haddaba, sida la sheegay, budhcaddii iyaga oo aan ku dagaalamin ay ku carareen doon kale oo ay hore u soo afduubeen, balse waxaa si nabadgelyo leh loo soo badbaadiyay doonta iyo shaqaalaheedii.

Isla markaa dayuuradaha gaafwareega ee dalka German oo ka hawlgalay in ay soo qabtaan budhcadda baxsatay waxaa ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigeen  dhammaan budhcaddii oo tiradeedu dhammayd 6 ka dib markii ay in muddo ah eryanayeen . Budhcadda waxaa la soo qabtay iyaga oo qarka u saran in ay ku libdhaan xeebaha koonfureed ee Somaaliya halkaas oo xarun iyo gabbood u ah budhcad-badeedda.

Waxaa Qoray: Yussuf M Hassan 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories