HomeCiidamada Liyuu Booliska oo Qof Rayid ah Ku Dilay Degmada Xarshin iyo...

Ciidamada Liyuu Booliska oo Qof Rayid ah Ku Dilay Degmada Xarshin iyo Dhacdadii hore ee Xasuuqa loogu Geystay Shacabka tuulada Cilmi-Xirsi oo Aan Waxba laga Qaban

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Xarshin (SLpost)- Ciidamada Liyuu Booliis ee kililka shanaad ee Itoobiya, ayaa Arbacadii toddobaadkii tegay ku dilay deegaanka Faarax Liibaan ee Degmada Xarshin marxuum magaciisu ahaa Maxamed Qawdhan Cabdi oo ka soo jeeda degmada Xarshin oo deegaanno hoos yimaadda ay hore ciidamada Liyuu booliisku ugu dileen dad tiro badan.

Siday sheegayaan wararka ka imanaya deegaannadaasi, Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed Qawdhan Cabdi, ayaa marka la dilay watay gaadhi wayn oo nooca Shaambooga loo yaqaano ah, waxaanu 06/01/2013 ka soo amba-baxay magaalada Harta Sheekha, isaga u soo jeeday dhinaca magaalada Xarshin. Warku waxa uu sheegayaa in marka uu marayo deegaanka Faarax Liibaan, ay joojiyeen ciidamo Liyuu Booliis ah oo ay horkacayeen laba sarkaal oo ay isku hayb yihiin madaxweynaha kililka shanaad Cabdi Maxamuud Iley, Isla markaana markii ay aqoonsadeen ay rasaas ku dileen.

Sawirrada Shacabkii lagu laayey Tuulada Cilmi-Xirsi Bishii Sep, 11 2012 [PHOTOFILE]
Sawirrada Shacabkii lagu laayey Tuulada Cilmi-Xirsi Bishii Sep, 11 2012 [PHOTOFILE]

Inkasta oo aanay si rasmi ah uga hadal dawladaha labada dhinac, haddana warku waxa uu intaa ku daray in labadaas sarkaal ay goobta isaga tageen markii ay dilka geysteen, waxaana marxuumka maydkiisa loo soo qaaday dhinaca magaalada Xarshin oo lagu aasay.

Bishii September 11-keedii ee sanadkii 2012 ayay ahayd markii ay ciidamada Liyuu Boolis 12 qof oo Shacab oo mid ka mid ahi haweenay ahayd ay ku dileen deegaanka Cilmi Xirsi, kuwaas oo dhammaantood ka soo jeeda beelaha deegaankaa dega ee Isaaq. Taasi waxay keentay in guddi ka soo jeeda deegaannadaas oo qurba-joog ahi ay u yimaaddaan dalka Itoobiya sababo la xidhiidha dilkaas, si ay xaqiiq rasmi ah uga helaan sababaha keenay iyo in caddaaladda la horkeeno ciddii ka dambaysay, kuwaas oo 06/12/2012 ka soo degay magaalada Addis-Ababa. Sida ay wararku sheegayaan, waxay guddidaasi socdaal xaqiiqo raadin ah ku mareen deegaannadii ay mashaqadu ka dhacday iyo kuwo kale oo ay ka mid ahaayeen; Jigjiga, Harta Shekha, Xarshin, Laanqayrta, Kaam-Abokor, Darroor, Gaashaamo, Baalla-dhaye , Wajaale iyo dhammaan deegaannada hoos yimaadda. Waxay deegaammadaas ka soo ururiyeen tabashooyinka la xidhiidha hab-dhaqanada ciidamada Liyuu Boolis ku hayaan dadka ku dhaqan deegaannadaas iyo tacaddiyada ka dhacay.

Sawirrada Shacabkii lagu laayey Tuulada Cilmi-Xirsi Bishii Sep, 11 2012 [PHOTOFILE]
Sawirrada Shacabkii lagu laayey Tuulada Cilmi-Xirsi Bishii Sep, 11 2012 [PHOTOFILE]

Dhinaca kale, madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Iley, ayaa maalin ka dib wakhtigii uu dil-wadareedkaasi dhacay, waxa uu magaalada Jigjiga kula kulmay madax-dhaqameed ka soo jeeda deegaannada mashaqadu ka dhacday, waxaanu ballan-qaaday in uu dhammaynayo. Hase ahaatee, siday wararku sheegayaan, waxa uu taa beddelkeeda dalalka Yurub, gaar ahaan waddamada Scandinavian-ka u diray wefti ka socda maamulkiisa oo kala ah, wasiirka waxbarashada Fataax Maxamed Fatax, wasiirka Daakhliga, ahna madaxweyne-xigeenka saddexaad iyo wasiirka shaqaalaha iyo arrimaha bulshada Cabdirisaaq Cali Jaamac, si uu u helo taageero la xidhiidha ficillada ay ciidamada Liyu Boolis ka sameeyaan deegaannada oo uu ka kasbado dadka qurba-joogga ah, isla markaana uu u dambabaso xogta ay guddida Qurba-joogga ahi ka soo ururiyeen deegaamada ay mareen ee tacaddiyadu ka dhaceen.

Sawirrada Shacabkii lagu laayey Tuulada Cilmi-Xirsi Bishii Sep, 11 2012 [PHOTOFILE]
Sawirrada Shacabkii lagu laayey Tuulada Cilmi-Xirsi Bishii Sep, 11 2012 [PHOTOFILE]

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories